Qarax Xooggan Oo ka Dhacay Magaalada Addis-Ababa,

Oct 14,2013 Addis Ababa(SM)Telefishanka Qaranka Itoobiya ayaa sheegay in qarax ka dhacay caasimadda Itoobiya ee Adis Ababa, waxaana qaraxaas ku geeriyoodey ugu yaraan laba qof. Qaraxa ayaa dhacay maanta oo Axad ah ah waxaana uu ka dhacay degmada Bole, halkaas oo ay ku badan yihiin dadka Soomaalida ah. Ma jirto cid weerarkan weli sheegatey, inkasta ay farta ku fiiqeyso kooxo degan Koonfurta iyo Koonfur Bari ee dalka Itoobiya iyo weliba kooxda al-Shabaab.

Ciidamada amaanka ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxu uu ka dhacay guri ay kireysteen laba nin degmada Bole, waxaana qaraxaas ku dhintey isla labadii nin ee guriga kireystey.

Ciidamada Itoobiya ayaa dagaal dheer la galay kooxda al-Shabaab ee ka jirta Soomaaliya, waxaana dagaalkun dib u bilowdey sanadkii 2011 markii ciidamada Itoobiya dib ugu noqdeen Soomaaliya.

Bishii la soo dhaafey kooxda al-Shabaab ayaa sheegtey weerar lagu qaadey Suuq ay ka dukaameystaan dadka ladan ee Kenya kaas oo k yala caasimadda Kiinya ee nayroobi, waxaana weerarkaas ku dhintey ugu yaraan 67 qof.

Salaanmedia/ Addis Ababa