QIIQ ISKU QARINTA QUDHMIYE

Asalaamu calaykum
maqaal
 
Labadii musuq maasuq ee uugu cuslaa ee ka dhaca dalkan Somaliland waxay kala ahaayeen kii shirkada shidaalka ee Genel energy ay dalka kaga baxday iyo ka airportka Hargeysa
 
Waxaynu odhan karaa waxay ahaayeen laba qarax oo la qarinaayey balse markii la ogaaday odeyga caloosha socodsiiyey ilaa uu orodkii suuq bariga Burco laba habeen u soo hooyday ka dibna xawaarihii Ooodweyne, Salaxlay iyo Baligubadle oo aanay beryahanba dabka kala qaadan jirin asqadii iyo jaahwareerkii uu la galay.
 
Dabeetana Iblays ayaa sidii mushrikiintii Quraysh ee maalintii Beder oo kale ka dhex dhawaaqay Kulmiye! Asagoo leh ` CALAYKUM BIL WADADA CEERIGAABO` 
 
Qoodh iyo xero `ALQAWLU MAA QAALA RAJULU` ayuu Siilaanyana sidii Abu Jahal ku jawaabay, dabeetana salaadii hore ayuun buu soo toosay asagoo qaadaaya heestii qaraamiga ahayd ee ` Wadada bariyeey ku weheshaday ee warkiyo hayga goyn waraaqaha`
 
Koronkortii dul tubnaydna intii bay markiiba mashriq iyo maqrib ka rideen ayagoo ay kaga dhegtay, WADADA CEERIGAABO, WADADA  CEERIGAABO, WADADA CEERIGAABO…, …..ETC
 
Wado dheer oo dhul balaadhan oo qarfo ah ka gudbaysa oo aan qorshe cilmi iyo baadhis ku dhisan loo samayn. Wado aan halkay marayso, inta bridge ee ay u baahan tahay iyo qiyaastii inta ku baxaysa aan midna la qiimayn ayuun baa umadii afar guul wade la hortaagan yihiin maalmahan.
 
 
Miisaaniyad ku sheeg xibrun calal warqa ah ayuu ayana wasiir Jano ka bood golaha sacabinta la yimi ayaguna sidii caadadooda beryahanba ahayd qalinkay ku duugeen ka dib markii waxooga gun gunaaf ah faraqa nin walba loogu guntay (Ku go`a!) 
 
Miisaaniyadan beenta ah iyo wadadan Ceerigaabo ayaa noqday jug kale oo mar qudh ah uun soo dhacday ayadoon looba fadhiyin waxaana labadaba looga gol leeyahay in musuq maasuquii dalka ka dhacay gaar ahaan kii baadhista shidaalka iyo madaarka Hargeysa  lagu qariyo laguna danbabeso. Anaguse waxaanu leenahay horaa loo yidhi `THAWBUL CAARI MAA YAKHUBU DIIS` Ogoow dhuumashada qaar uu dhabarku muuqdaa waa dhib iyo hadimee.
 
Hadalkan kooban waxaan ku soo xidhayaa kelmedii mujaahid xildhibaan Rayte ka yidhi shirkii jaraa`id ee Waddani taasoo ahayd, Miisaaniyadan 152ka million ee dollar aa gaadhsiiseen(Kamaa taquuluun) maxaa wadadan aa subax uun ku soo toosteen ee Ceeri looga dhisi waayey? Ama calal aqal 10million oo gun dhig u noqda maa ku furtaan, dabeeto aduunkana loo maro umadan dalkan Somalilandna loo dhex galo, inta aa ciyaalka dugsiga Muj Quule Aadan ee aa dhawaan ilmaaradood Hargeys ku xasuuqdeen aa dawersanaysaan ee aa ganbooyinkii ay shunburada nusa saacaha siisan lahaayeen ka tuugaysaan.
 
Dawladan xisbigan Kulmiye waxaan is leeyahay hadii qunbe subag ah lagu dhex ridi lahaa in ayagoo qalalan oo basaasan ay ka soo bixi lahaayeen. 
 
 
 
Wasalaamu calaykum
Bashe Qulunbe, London