Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya oo la afduubtay, kadib weerarkii Mareykanka uu ku qabtay Anas al-Liby

image

Wararka ka imaanaya dalka Liibiya ayaa waxa ay sheegayaan in xoogag hubaysan ay afduubteen Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya Ali Zeidan.

Ragan afduubtay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya ayaan la garaneyn halka ay la aadeen, waxaana laga afduubtay Ra’iisul Wasaaraha Liibiya gudaha Magaalada Tripoli ee caasimada dalkaasi.

Sida ay baahiyeen wakaaladaha Wararka caalamka iyo Tv-ga Al-Jazeera xoogaga hubaysan ee afduubtay Ali Zeidan Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya,maalin kahor waxa ay ujeediyeen hanjabaad ku aadan inay dhibaateyn doonaan, iyadoo uu dhaga ka fureystay hanjabadaasi.

Raga afduubtay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya ayaa waxaa la sheegay inay yihiin rag ka carooday weerarkii Mareykanka uu ka geystay gudaha dalka Liibiya ee ugu suuragashay inay gacanta kusoo dhigaan Anas al-Liby oo ah hogaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaeda.

Talaadadii ayay ahayd, markii Zeidan uu dalalka reer galbeedka ugu baaqay inay ka caawiyaan in la joojiyo mintidnimada Libya, isaga oo wareysi uu horay BBC-da usiiyay ku sheegay in Liibiya loo adeegsaday Saldhiga hub oo kale.

Ciidamada Kumaandooska dalka Mareykanka ayaa labo weerar oo qorsheysan waxa ay ka kala geysteen gudaha dalka Liibiya iyo Soomaaliya, inkastoo howlgalka Liibiya uu guuleestay, hadana waxaa fashilmay midka Soomaaliya ka dhacay.

Afduubka loo geystay Ra’iisul Wasaaraha dalka Liibiya ayaa wararka qaar waxa ay sheegayaan in lala xiriirinayo weerarka Mareykanka uu ku qabtay Sarkaal Anas al-Liby oo xubnaha sar sare ee Al-Qaeda ka tirsan.

Salaanmedia/Mogdisho