R/wasaare Ku Xigeenka Ahna Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Foosiya Fuusuf Xaji Aadan Oo gaadhay Dalka Canada (Sawirro)

Oct 1, 2013 (SM) – Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya Marwo Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa lagu soo dhoweeyay magaalada Ottawa ee dalka Canada oo ay maanta soo gartay,

Wafdiga Ra’isul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arimaha dibada iyo iskaashiga caalamiga ah waxaa ka mid ah gudoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibada oo booqasho Sadex cisho ah ku joogi doonta dalka Canada ayaa lagu wadaa beri in ay la kulanto wasiirka arrimaha dibada ee Canada iyo sidoo kale jaaliyada Soomaaliyed ee magaalooyinka Toronto iyo Ottawa.