R/Wasaare Saacid Oo Ka Jawaabay Hadal Ka Soo Yeedhay Madaxweynaha Kenya

SOMALIA

Oct 14,2013 Muqdisho(SM) R/wasaare Saacid, oo wareysi siinayay wargeyska The Standard, ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay doonayso in ciidamada Kenya ay sii joogaan Soomaaliya.

R/wasaare Saacid ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xun tahay dhibaatooyinka amni xumo ee ka taagan dalka Kenya.

“Aad ayaan uga mahadcelinaynaa ciidamada Kenya caawinta ay Somalia ka caawinayaan dagaalka ay kula jirto Al-shabaab, waxaana doonaynaa inay sii joogaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka jawaabayay su’aal ahayd inuu doonayo in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya iyo in kale.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Kenya iyo Soomaaliya ay ka dhexeyso walaalnimo xooggan, uuna madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto uu kula talinayo inay dhabahaas hayaan.

Maanta oo ay bisha Oktoobar tahay 14 ayaa waxay ku beegan tahay markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya laba sano ka hor, iyadoo dhowr jeer oo hore ay xukuumadda Soomaaliay ku baaqday in ciidamada Kenay ay dhibaatooyin ka geysteen magaalada Kismaayo oo ay ku sugan yihiin.

Weerarkii Westgate Mall:

R/wasaaraha ayaa dhanka kale waxa uu soo hadalqaaday weerarkii ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen dhismaha ganacsi ee Westgate Mall, isagoo sheegay inay aad uga xun yihiin dadkii ku dhintay weerarkaas oo ay tiradoodu ahayd 67-qof.

Su’aal ahayd sida uu u arko hadalkii kasoo yeeray madaxweynaha Kenya oo ahaa in falalka ammaan-darro ee ka dhaca dalkiisa ay ku lug leeyihiin dad Soomaali ah, ayuu ra’iisul wasaaruhu kaga jawaabay in taasi aysan waxba ka jirin, isagoo sheegay in weerrarada ka dhacaya Kenya ay geysanayso Al-shabaab.

“Hadalka madaxweynaha Kenya waxaan u fahmayaa inuu yahay mid xanuun iyo walaac uu qabo ka dhashay. Al-shabaab dhammaanteen dhibaato ayay nagu haysaa, falalkooduna waa gobolka oo dhan ku reebay xanuun. Markii uu dhacay weerarkii Kenya waxaan wacay madaxweynaha Kenya, waxaana uga tacsiyeeyay dhibaatadii halkaas ka dhacday,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid.

Salaanmedia/Muqdisho Office