Saraakiil Ka Tirsan Midowga Afrika Iyo AMISOM Oo La Kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Ku Nool Mareykanka

191

Oct 6,2013 Muqisho(SM Saraakiil ka tirsan Midoowga Afrika iyo AMISOM ayaa kulan dalka Mareeykanka kula qaatay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi iyaga oo soo bandhigay waxqabadka ciimadama nabd ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Minneapolis ayaa waxa ka qeybgalay wakiilka Midowga Afrika ee Soomaliya Ambassador Mahamat Saleh Annadif iyo Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad, iyadoo kulanka ay goob joog ka ahaayeen kumanaan ka mid ah jaaliyada Soomaliyeed ee ku nool dalka Mareykanka.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saaray loogana hadlay waxqabadkii ciidamada AMISOM intii ay dalka joogeen,taasoo ay ku soo bandhigeen filim ka turjimaya waxaqabdka AMISOM ee gobolada dlaka Soomaliya.

Dadweynaha Soomaalida ayaa su’aalo kala duwan weydiiyay wakiilka iyo Afhayeenka AMISOM kuwaasoo ku aadana wadashaqeynta ka dhaxeysa iyaga iyo dadka Soomaliyeed iyo qaladad dhaca mararka qaar.

Mr Annadif ayaa isna dhankiisa sheegay in sababta ay kulankan usoo qabanqaabiyeen ay tahay inay xiriir dhow yeeshaan jaaliyadaha Soomalida ee ku nool dalka dibadiisa iyo ciidamada AMISOM ee howlgalka nabada ilalainta ah ka wada dalkooda, isagoo ka dalbaday Soomalida Mareykanka inay ka hortagaan caruurtooda dib ugu laabanysa dalka si ay uga qeyb galaan dagaalada qarbudaada ah ee ay kooxda Alshabab ka wado gudaha wadanka, iyadaa ay dhowr jeer dhalinyaro ka timid dalka Mareyknka ay qaraxyo naftii halignimo ah ka geysteen magaalada Muqdisho kadib markii ay maskaxda ka xadeen maleehsiyadkaa Alshabaab.

Madaxdii jaaliyada ee halkaasi ka hadlaya ayaa si weyn uga mahadceliyay dowladaha Afrika ee ay ciidamadu ka joogaan Soomaliya iyo saraakisha AMISOM ee ay la kulmeen iyagoo ku amaanay sida ay xilka iskaga saareen badbadinta dalkeena markii ay isku dayeen kooxaha argagixisadu inay taladiisa la wareegaan.

Salaanmedia/Muqdisho