School kii Ugu Horeeyey Ee Ku Dhawaaqa Tabarucaadka Wadada Ceerigaabo.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saaka ka qayb-galay Marti-qaad ay u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quule Aadan Secondary School………..

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Xirsi Cali Xaaji Xasan oo saaka ka qayb-galay Marti-qaad ay u fidiyeen Ardayda Dugsiga Sare ee Quule Aadan Secondary School oo noqday Dugsigii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in ay gacan ka geysan doonan Mashuuraca wadada Ceerigaabo lagu dhisayo ama lagu taageerayo.
Waxaanay Ardaydaasi halkaasi kaga dhawaaqeen in ay 3da Bilood ee ugu horeeya ku caawin doonaan calaa Arday $1 Dollar, taas oo saddexdaa bilood marka la isku daro noqon doonta ardaygiiba 3 Dollar.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlayna wuxuu ku bilaabay hadalkiisa, Wasiirka Waxbarashada, guud ahaan Bahda waxbarashada, Macalimiinta maamulka Dugsiga iyo dhamaan Ardayda sharafta iyo qiimaha badan ee halkan nagu soo casuumay waxaan idin ku salaamayaa Salaanta Islaamka Asalaamu caleekum wa-raxmatulaahi wa-barakaatu.

Salaanka dib aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in bahda waxbarashadu halkan nagu casuunto oo ay noogu yeedho iyaga oo ka qayb-qaadanaya horumarkii dalka gaar ahaan dhismihii wadooyinka, aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin, qof waliba wixii uu awoodo ayuu bixinayaa qofkii awoodi kari waayana la khasbi maayo waana dalka horumarkiisi iyo dib u dhiskisii, aad iyo aad ayaan idinku mahad celinayaa sida qiimaha badan ee aad u muujiseen inaad dalkiina wax ku tartan idinka oo da’aas ah.

Wasaaradda Waxbarashadu waxay maalintii koowaadba ka balan qaaday wasiiradu inay ka qaybqaadanayso bahda waxbarashadu, waxaad ka dhabayseen iyada oo noo muuqata ardaydii inaad ka qaybqaadanaysaan Dib u dhiska dalka, casuumadii u horaysay ee lanagu casuumo ee lanoogu yeedho waa Dugsigan Quule Aadan Secondary School, waxa halkaasi nooga muuqata in maamulka Dugsiga, Macalimiintiisa iyo Ardaydiisuba ay qiimo gaara noo leeyihiin, qiimo gaar ahna qaranka u leeyihiin aad iyo aad ayaan runtii idinku hambalyeynayaa.

Waxaan runtii jecelahay iyada oo ay ardayda intaasi leegi noogu yeedheen inay (Contribution) ama mucaawimo ka geystaan wadooyinka, waxa ayaan daro ah in xildhibaanadii dalka loo doortay 100 Dollar oo la waydiyey ay diidayaan insha allaa idinkaa bedeli doona kuwaasi aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin.

Maaha xildhibaanada oo dhan waa tiro kooban oo ka mid ah ayaa diidan oo ka hadlaysa iyaga oo weliba mushaharka ka qaata Cashuurta Dalka ee dadka laga ururiyo iyaga oo mushaharka taa ka hela ayaa la yidhi mushaharka 100 dollar ka bixiya, 500 oo Dollar ayaa loo kordhiyey 100 Dollar bixiya ayaa lagu yidhi tiibay diidan yihiin kuwaasina way bixinayaan, runtii oo waa farqi aad iyo aad u weyn aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin Ardayey.

Waxa aanu ka dhabayn doonaa insha allaahu tacaala dhismaha wadada iyada oo dhisana waydun arki doontaan, waxaanad dalxiis ugu tegidoontaan ceerigaabo iyo dhulka la midka ahba waxa aad ku tegi doontaan fasaxyada iyada oo laami ah insha allaa hadii aynu noolaano, waxa aad arki doontaan dalkeena daafihiisa insha allaahu tacaala.

Dalkeenu yacnii wuu kala go’an yahay oo ma dhisna wadooyinkiisu waxa keliya ee inoo dhisani waa wadadaa keliya ee isku xidha Boorama, Hargeysa, Berbera, Burco iyo Laascaanood, wax kale oo inoo dhisan oo laami ahi ma jiro, waydinkaa arkaaya wadooyinkii odhan dhibta ka taagan, mustaqbalka dalku sugayaana waa idinka sidaa aad maanta ugu guntateen ayaa berina laydinka Sugayaa, waxaan idinku hambalyeynayaa dedaalkiina waxa aan idin leeyahay Guulaysta waanad mahadsan tihiin.