Shacabka Reer Ceerigaabo Oo Bilaabay Ururinta Lacaga Lagu Dhisaayo Jidkaasi+ Wasiir Xirsi Oo Xadhiga Ka Jaray Mashaariic.

Oct 16,2013 Ceerigaabo(SM– Wasiirka wasaaradda madaxtooyada iyo weftigii uu hogaaminayay ee kusugnaa magaalada Ceerigaabo ayaa dadweynaha kala qayb-galay kulan qaadhaan loogu ururinayay dhismaha wadada magaaladaas iyo Burco.

Kulankan qaadhaan ururinta oo maanta ka qabsoomay fagaaraha beerta xorriyada ee magaalada Ceerigaabo waxa kale oo ka qaybagalay, xildhibaannmo, salaadiin, odayaal, ganacsato, maamulka degmada, guddida dhismaha wadada Ceerigaabo iyo dadweyne aad u tiro badan.

Kulankan oo ahaa mid aad u balaadhan ayaa dadweynaha gobolka Sanaag ku yabooheen hanti isugu jirta xoolo nool, daamur iyo lacag, iyadoo deegaan kasta oo ka mid ah gobolkaasi wuu ku dhawaaqay waxa ay degmadiisa iyo deegaankuba ku deeqeen.

Ugu horeyn waxa kulankaas ka hadlay maayarka degmada Ceerigaabo iyo badhasaabka gobolka Sanaag oo madaxweynaha ku bogaadiyay talaabada geesinimada leh eek u dhiiraday dhismaha wadada isku xidha Burco iyo Ceerigaabo.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaanno iyo xubno ka mid ah guddida dhismaha magaalada Ceerigaabo, iyagoo dhamaantoood ku dheeraaday sida ay uga go’an tahay ka midho-dhalinta hawsha culus ee dhismahaas.

Wasiirka wasaaradda gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiiru-dawlaha maaliyadda Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo ka hadlay fagaaraha ayaa iyaguna ku dheeraaday ahmiyada ay wadadu u leeyahay koboca dhaqaale iyo hirumarka iyo sida loogu baahan yahay in shacbiga gobolka Sanaag ay dhismaha wadada uga qayb qaataan muruq iyo maskaxba.

Ugu dambayn Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali X. Xasan oo ka hadlay fagaarahaas ayaa ku tilmaamay dadka dhaliila waxqabadka xukuumadda qaar fulay ah oo kasoo horjeeda horumarka dalka iyo himillada ummadda.

Waxa uu wasiirku xusay inay ka midho-dhaliyaan hirgelinta wadada isku Ceerigaabo iyo Burco oo ay ka go’an tahay. “Caaduu u leeyahay fulaygu inuu dadka khayrka iyo horumarka iska hortaago inuu wax kasta ummadda himiladeeda ah iska hortaago, waa la samaynayaa Insha Allah wadada, kuwa Madaxweynaha ku dhaliilaya ee ku ceebaynaaya ee odhanaya la samayn maayo, shalay markii derajada la qaybinayay la qaybin maayo, waa la qaybiyay, horumarka aad aragteen dhamaantood waxay lahaayeen la samayn, maantana waxaan leeyahay way rumoobaysaa, umaanaan socon olole, waxaanu u soconay inaanu idiin samayno wadada.” ayuu yidhi Wasiirka madaxtooyadu.

Geesta kale, waxa uu wasiirka madaxtooyada xadhiga ka jaray furitaanka jaamacada barashada culuumta islaamka ee Golis faraceeda Ceerigaabo iyo dugsiga sare ee Safa oo madaxweyne Siilaanyo dhismihiisa ka hirgeliyay magaalada Ceerigaabo.

Salaanemdia Desk Ceerigaabo.