shaqaaqadii westgate oo aan Weli dhamaan..

Kenya, Nairobi – terrorist attack / 21.09.2013

Muqdisho (Nairobi) – Ciidamada gaarka ah ee baaraya burburka xarunta ganacsiga Wesgate Mall ee magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa shaaciyay in 9-ruux oo meyd ah laga soo saaray dhismahaasi, kaddib muddo toddobaad ah oo ay baaritaano ka wadeen halkaasi.

Sarkaal u hadlay ciidamada Kenya iyo khubarada caalamiga ah ee ka socda wadamada caalamka ayaa xaqiijiyay in meydadkaan hor leh oo laga helay dhismaha burbursan ee Westgate ay ka mid ahaayeen dadkii ay heysteen maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaasi oo uu ku soo dumay saqafka hore hoolkii ay ku jireen.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in guddiga baaraya dhismaha xarunta ganacsiga Westgate ay rumeysan yihiin inay jiraan meydad kale oo laga cabsi qabo inay ku hoos jiraan qeybaha burbursan ee xaruntaasi.

Guddiga ayaa sheegay in qeybo ka mid ah xarunta aanay weli ku bilaaban baaritaanada, waxaana jirta howlgallo fara badan oo ay halkaasi ka wadaan ciidamada kala duwan ee dowladda Kenya, khubaro ku takhasustay baaritaanada falalka argagixisada.

Salaanmedia/ Nairobi