Sheekh C/qaadir Muumin oo shacabka Muqdisho ku canaantay inay ka gaabiyeen arin waajib ku ah

 

image

Sheekh C/qaadir Muumin oo kamid ah Ururka Al-Shabaab, ayaa canaan wuxuu dusha kaga tuuray shacabka Muqdisho oo uu ku tilmaamay inay ka gaabiyeen arin diini ah oo waajib kasaaran.

Wareysi uu siiyay Idaacada Al-Furqaan ee Degmada Baraawe ku taala, ayaa Sheekh Muumin, wuxuu ku sheegay in shacabka reer Muqdisho ay yihiin kuwa hurdo oo damiirkii ay lahaan jireen xilligan uusan ka muuqan.

Canaanta uu ujeedinayo shacabka Muqdisho, ayuu ku sifeeyay inay tahay raali ahaanshaha ciidanka shisheeye ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, isaga oo si cad usheegay in hadii shacabka reer Muqdisho ay hal mowqif yeeshaan aysan siijoogi karin ciidan shisheeye gudaha dalka Soomaaliya.

Dadka Muqdisho ayuu ku tilmaamay inay ahaan jireen geesiyaal cadowga meel uga soo wada jeesta, laakiin hada umuuqda kuwa raali ka ah in ciidamada shisheeye ay ku sugnaadaan gudaha dalka Soomaaliya oo kheyraadka dalka ay gurtaan.

“Dekada Muqdisho dhaqaalaha kasoo xarooda shisheeyaha ayaa qaata Garoonka sidoo kale, aaway dadkii Muqdisho ee dhiiga badnaa ee ka cadhoon jiray arimaha noocaasi oo kale ah”Ayuu yiri Sheekh Muumin.

Wuxuu intaasi raaciyay hadalkiisa in reer Muqdisho ay gadhanayaan taag-tiiga dagaalka, lagana rabo inay fadhiga ka kacaan oo ay qaataan qoriga lana dagaalamaan ciidamada shisheeye ee jooga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Saldhigooda weyn uu ku yaalo Muqdisho.

Ciidamo ka socda dalalka Uganda, Burundi, Kenya Sierria Leon iyo Jabuuti ayaa ku sugan dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku shaqeeya magaca Amisom,waxa ayna dagaal adag kula jiraan xoogaga Shabaab.

Salaanmedia/Mogdisho