Shidaal qodosita gobolka Saaxil oo laga shirayo

Waxa dhawaan ka furmay galbeedka magaalada London shir ay isku yimaadeen masuuliyiin ka kala socday shirkado kala duwan oo la xidhiidha baadhista shidaalka.

saahil2

Shirkan oo u soo qaban qaabiyay Mr Hussein Alishaaqi oo ah madaxa sanduuqa horumarinta mashaariicda Africa ayaa waxa ka soo qayb galay shirkada Sahel Petroleum Ltd ee u madaxa ka yahay Xaamud Dabagale iyo Cali Rooble, British Petroleum iyo sidoo kale shirkada ugu wayn  shidaal baadhista dalka Norway oo la yidhaahdo ICAP PLC.

Kulankan oo ahaa kii  ugu horeeyay  lana filayo inuu sii socon doono in muddo ah, ayaa waxa sidoo kale goob joog ahaa laba xildhibaan oo sare kana socday dalka Ghana oo la kala yidhaa MP H.E Patrick Yaw and H.E Owusu Collins.

Intii shirkani socday ayaa lagu falanqeeyay hawlaha ay damacsan yihiin shirkadahani si wada jir ah  wax kaga qabtaan shidaal baadhista gobolka saaxil ee u qorshaysan haddii ay ay ku guulaystaan  fartaagista (bid) helitaanka goobaha shidaalka (blog) ee Saaxil.

saahil1

Waxaana la filayaa in dhawaan xubno shirkadahani ka socdaa ay u ambabaxaan dalka Somaliland oo ay la kulmaan masuuliyiinta dalkaas.

Waxaana xusid mudan in dadka degaanka Saaxil si wayn uga faa’idaysan doonaan haddii shirkada Saahil Petroleum ltd ku guulaysato taas oo ay u diyaar garaynayso in saamiyo u  furi doonto mustaqbalka dhaw inshalah iyadoo dhanka kalena ay u qorshaysan yihiin mashaaric kale oo la xidhiidha sibidhka iyo dhuxul dhagaxeedka (coal mine).