Shir balaadhan oo waxqabadka Burco lagaga hadlaayey oo ka dhacay Magaaladda Manchester.

October 15th, 2013 Comments Off

xafladi machester suaalahaManchester (SM)- Xaflad aan hore loo arag oo ay soo qaban qaabiyeen Ururka haweenka HIBO iyo jaaliyadda reer Manchester ee ka soo jeedda Gobolka Togdheer ayaa lagu qabtay magaaladaasi Manchester 12/10/2010, shirkaasi oo nuxurkiisu ahaa siddii Gobolka Togdheer iyo magaala madaxda Gobolkaasi Togdheer Burco kor loogu qaadi lahaa dhamaan adeegyadda nolosha aadamaha asaaska u ah ee dhinacyadda kala duwan sidda Nadaafadda, Wadooyinka, Waxbarashadda iyo Nabadgelyadda.

Hadaba Ururkaasi HIBO iyo jaaliyadda Manchester oo isku mataanaysan ayaa shirkaasi ku soo casuumey Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi Bidhi iyo masuuliyiin kale oo ka soo kala socdaalay magaalooyinka Gobolkan Waqooyi Galbeed ee dalka Britain, gaar ahaan Bolton, Liverpool iyo weliba magaalooyin dhowra oo xayndaabkan ka baxsan sidda Birmingham.

Qaddo sharaf aad u qiima badan oo Hudheeladda Magaaladda mid ka midda lagu diyaariyey markii lagga soo tuuray, waxay marti sharaftaasi u soo baqooshay goobtii shirkaasi ka dhacaayey oo lagu qurxiyey calanka astaanka u ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo sawirka Hogaamiyaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane/Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Hadaba, markii madashaasi laysugu yimid ee qof weliba kursiggii loo qoondeeyey ku yara nastay, isla markaasina sharaab noocyadda kala duwan ee Biyaha iyo casiirka loo yaqaanno nafta lagu qaboojiyey, sidda caadadu tahay waxaa lagu furay shirkaasi aayadaha Quraanka Kariimkaa oo sheikh luuq macaan kagga qiiraysiiyey dhamaanba shirkii iyo qaybgalayaashii goobta ku sugnaa.

Waxaa si toosa markiiba loo gudda galay Xafladdii iyo qodobaddii shirkaasi loogga danta lahaa, waxaanna halkaasi qudbad qiimo weyn leh ka soo jeediyey Oday Cabdilahi Cisman oo ka midda odayaasha ugu culus ee Jaaliyadda reer Manchester, waxaannu sheegay waxyaabo badan oo dowladnimadda iyo dadkeeddu inay si weyn ugga wadda shaqeeyaan ay tahay oo ay ka mid tahay Deegaanadda shidaalka lagga qodaayo oo shacabka loogga baahanyahay masuuliyad iyo in midigta iyo bidixdaba Xukumadda lagula shaqeeyo, waxaanna kale oo oday cabdilahi aad ugu dheeraaday shaqadda dowladda hoose iyo tayeynta hawlahaasi iyo sidda ay lagama maarmaan u tahay midnimadda gobolka iyo horumarkiisa.

Dhinaca kale waxaa cod baahiyaha haleelay Abwaan Cabdilahi Cawed Cigge/ gudoomiyaha Jaaliyadda Liverpool oo hogaaminaayey rag culus oo Liverpool ka soconaayey, waxaanu aad ugu dheeraaday waxyaabo badan oo isha qarsooni ka markhaati kacday oo loo baahanyahay in sidda ugu haboon loo fuliyo, taasi oo ay ugu weyneyd dhinaca Nadaafadda oo ahmiyad weyn u leh shacabkeenna, bilicdda magaaladda iyo kor u qaadka nimaamka magaalo iyo hawlaheedda.

Mudane Cabdilahi Cawed waxuu ka hadlay meelaha loo isticimaalo gubidda daawooyinka iyo waxyaabaha kale oo loo baahanyahay in lagu camaleeyo meel magaalooyinka ka baxsan oo caafimaadka dadka iyo xoolaha aan duro iyo dil aan mid u geysanayn, waxaanu sheegay cabdilahi Midnimadda iyo qiimaha ay u leedahay dadka reer Burco iyo sidda mahiim ay u tahay in nidaamka dhakhtarka Burco u shaqeeyo iyo wakhtigga balamaha booqashaddu mahiim iyo nidaam weyn caalamka ka tahay, waayo caqliyad hufan maha in adeegayaasha caafimaadka ee weliba saan cadaalahaa in lagu yiraahdo iima diidi kartid booqashadda xaaskaygga ama ehelkayga, waayo waa arin khaldan oo goobtaasi ka dhacday ayuu yidhi masuulkaasi, waanna in la fahmaa ixtiraamka iyo nidaamka hawleed ee aduunka loogga shaqeeyo oo mid keliyaata ah.

Waxaa isaguna hadal kooban halkaasi ka jeediyey Cabdilahiyo badane, Cabdilahi Cali Xassan John oo gudoomiyaha ku wehelinaayey socodkiisa uu kagga soo baqoolay Liverpool. Cabdilahi John waxuu sheegay in dadka reer Burco loogga baahanyahay inay isku tashadaan oo gobolkoodda u horseedaan adeegyadda iyo kabayaasha Goboladda kale samaysteen, waxaanna loo baahanyahay in Siyaasigga, dhakhtarka, Injineerka iyo Ganacsadaha reer Burco dib ugu noqodo gobolkiisa oo aqoontiisa tayadda Gobolka kor ugu qaaddo.

Ugu danbayntii Cabdilaahi waxuu cadeeyey in aduunka wax gobolaysi la yiraahdaa ka jiro, isla markaasina Gobolkiisu yahay Gobolka Maroodi-jeex ee Caasimadda dalka oo tartan weyni ka dhexeeyo Goboladda kale, waxaanu yidhi Mudanahaasi waa inoo tartan reer Burcoow ee barbarkay ka baxdaa waa bakayla qaleen, aduunka waxa wax lagu wadda qabsaddaa waa deegaan iyo tartan horumarineed oo lagu mideynaayo muruqa, maskaxda iyo maalka u soo hoyda Gobolka ama ku dhaqan.

Sidda Baratakoolku yahay waxaa cod baahiyaha lagu soo dhoweeyey Xildhibaan Mubaarik Yusuf Cilmi Bidhi oo isagu Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland halkaasi ku metelaayey, maadaama uu yahay Xildhibaan Golaha deegaanka ee dowladaha hoose Burco ka tirsan uu yahay.
Waxuu Xildhibaanku warbixin aad loogu bogey ka bixiey nidaamka dowladnimo iyo waxa u qabsoomay Xukumadda maanta oo uu ku sifeeyey Xukumaddii ugu fiicnayd abid inta taariikhda la ogyahay, waxaanu si weyn u dil istaagey gooni gooni mashaariicadda kala duwan ee u suuragashay nidaamka maanta dalka ka jirta tan iyo intii ka danbeysey sanadkii 2010.

Xildhibaan Mubaarik Bidhi waxuu gooni gooni ugga hadlay qodobadda hoos ku qoran.
xildhibaan mubaarik ,xafladdi machester
1- Doorashaddii dowladda hoose iyo siday u dhacday oo cadaalad weyn iyo is xaqsiin weyn ku fadhidey, waxaanu aad ugu hanbalyeeyey Hablaha soo galay Xildhibaanadda oo aad u tiro yar, laakiin qiima weyn iyo micno balaadhan ugu fadhiya dadka iyo dalka reer Somaliland iyo gaar ahaan Golaha Deegaanka.
2- Waxuu ka hadlay gawaadhi loo iibiyey afarta Waaxood ee Burco oo markii hore gawaadhi kiraa isticimaali jirey, waxaanu sheegay inay afar Bus u iibiyeen afarta Bus oo ah Noha oo cashuurta lagu soo ururiyo iyo laba cagaf oo showel iyo Grader iyo hal Bus guddida dhulku isticmasho oo maanta taasi horumar weyn tahay iyo wax lagu faanno.
3- Dakhligga cashuuraha oo ay si balaadhan kor ugu qaadeen tan iyo intii loo doortay dowladda hoose ee Burco oo maanta meel aad u wanaagsan maraaya.
4- Madxaf taariikha iyo cilmigga kala duwan lagga helo oo barmaamujkoodda ugu jirta mustaqbalka, waayo aad ayey mahiim ugu tahay ayuu yidhi in caasimadda Burco yeelato.
5- Xildhibaanku waxuu sheegay ahmiyadda wadooyinka Ceerigabo iyo Burco dadka u leeyahiin, waxaanu dadka kula dardaarmay inay si weyn uga qayb qaataan. Waxaynu xildhibaanku si yididiilo weyn iyo waxqabad balaadhan ku dhisan uga xog waramay Xukumadda Axmed Siilaanyo sidda ay dalkii ugu waddo horumarka iyo dhib u dhiska balaadhan ee dal iyo dadba leh.
6- Waxuu xildhibaanku aad uga waramay barmaamujka bilicda magaaladda iyo banaynta wadooyinka iyo suuyadda sidda sharci daraddaa loo degey ama jiingadaha lagga hor dhistay guryaha oo ay banyan weyn ku wadeen, isla markaasina in badan baneeyeen.

Waxaa iyaguna halka ka hadlay hablahii Ururka HiIBO oo halkaasi ka sheegay in mudda badan ay wadeen Boondo isku xidha Xaafadda Actoober iyo Xaafadda Plaza ee magaaladda Burco oo dadka dhibaato weyn ay kala kulmaan markay ka gudbayaan masaafadaasi, .sida daradeed ay raban in cid kasta sahaqaalaha ka qayb qaatan haday Dawlad Hoose tahay iyo haday dawlada dheexe tahay iyo reer burco iyo reer Somaliland meel kasta ay joogan . waxay kale oo Hablahaasi soo jeediyeen talooyin wax ku oola oo weelayn iyo fulinba u baahan oo Magaaladda Burco u baahantahay.

Waxaa halka xildhibaanka lagu waydiyay suaala aad u badan oo ay ka mid ahaayeen in dhowrkii guriba foosto la hor dhiggo, ciddii halkaa qashink ku ridi weydana la ganaaxo

Gunti iyo gabagabddii waxaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey aqoon yahan Ismaaciil Koox oo ahaa xidhiidhiyaha shirka waxaanu sheegay waxyaabo badan oo loo bahanyahay in gobolku si waddajira ku fuliyo oo mahiimad weyn u leh dalka iyo dadka gaar ahaan reer Burco.

Waxaanna shirkaasi ku soo gabagaboobey jawi aad u qurux badan iyo balan qaadyo aad u culus oo Burco iyo dadkeedda boodhka iyo banaanka ay kagga kacayaan.

Salaanmedia/UK