Shirkadda Facebookga oo dhaqaale xoogan ku iibsan doonta Shirkad laga leeyahay Isra’il.

 

Madownload (3)reegta aadka caanka u noqotay waayadan ee Facebook oo waayeel iyo dhallinyaraba bulshadu ka xiriiran, ayaa iibsan doonto shirkad la yiraa Onavo oo xarunteedu tahay magaalada Tel-Aviv ee Isra’iil si ay shaqooyin badan oo shirkadda Facebook leedahay halka loogu wareejiyo.
Facebook waxay ku baayacday shirkadan Facebook ku iibsato lacag dhan $200 milyan oo doollar, isla markaana waxa socda heshiiska Facebook lagu wareejinaayey.

“Shirkadda Facebook waxay ogolaatay waxay ogolaatay,” ayuu yidhi Guy Rosen iyo Roi Tiger oo si wada jir ah u aasaasay shirkaddan aad looga isticmaalo dalka Isra’iil.

Warbaahinta maxaliga ah ee Isra´iil waxay sheegeen in Facebook shirkaddan ku baayacay lacag ka bilaabanta $100-200 milyan oo doollar, waxaana xarumaha cilmi-baarista iyo horumarinta shirkadda Facebook loo wareejin doona  Isra´iil.

Shirkadda Onavo oo la aasaasay sannadkii 2010 waxay horumarisa, isla markaana dadka Yuhuuda ka caawisa inay telefoonkooda macluumaad ku urursadaan markay dhoofaan.

Mareegta Haaretz oo dalka Isra´iil laga leeyahay ayaa sheegtay in shaqaalaha shirkadda Onavo ay u shaqayn doonaan Facebook, kuwaasoo ka kala hawlgala Isra?iil iyo dalka Maraykanka.

W/Q. Ibraahim Khadar Siciid