Somaliland: Hoggaamiyeyaasha Sadexda Xisbi Qaran iyo Farriintooda Munaasibadda Ciidda

October 15th, 2013 Comments Off

Saddexda Guddoomiye

Hargeysa, (SM)-Gudoomiyeyaasha saddexda xisbi qaran ee Somaliland, Kulmiye, UCID iyo Waddani ayaa hambaylo u diray guud ahaan ummada muslimiinta gaar ahaan bulshada reer Somaliland munaasibada ciida adxaha darteed.

Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo maanta salaadii ciida ka dib warbaahinta u mariyay dhambaal hambalyo ah ummadda reer Somaliland, waxaanu ILAAHAY uga baryay inay sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan nabadgelyo iyo horumar.

“Maanta waa Ciidal-Al-Adxa, waa ayaamul khayrkii waa cidii Carafo, Ilaahay dambigeenna ha dhaafo iyo dhammaan ummada musliminta Alle dambigooda ha dhaafo, inta dhimatayna ALLE ha u naxariisto inta bugta Illaahay ha shaafiyo, danteena caamka ahna Alle haynoo wanaajiyo, dalkeena barwaaqo iyo nabad galyo Alle inooga dhigo, ciidan ciideeda Alle innagu gadhsiiyo innaga oo barqaawo iyo horumar ku jirna.”

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa hambalyada ciida ka sokow ummada ku dardaaray inay isku naxariistaan taasi oo uu tilmaamay haddii la sameeyo dhammaan Alle naxariistiisa la helayo, waxaanu yidhi “Ciid wanaagsan ayaan leeyahay dhammaan ummada Islaamka, ummada reer Somaliland gudo iyo dibadba waxaan Alle ka baryayaa inuu muslimka ciseeyo quluubtooda isku keeno, dhibtaada Ilaahay ka saaro taasina waxay ku imanaysaa kitaabka Eebe oo la qaato, markaa waxaan leenahay ha laysu naxariisto reer Somaliland, dadku wuu kala tagay dabaqadna cirka ayay maraysaa dabaqadinaway hoosaysaa, waxaan leeyay jaararka ha la’ogaado, agoonta ha la’ogaado, ha lays jeclaado si khayrku u yimaado, Ilaahay waxaan ka baryayaa sanadkaa sanadkiisa innagoo barwaaqo ah uu innagu kulansiiyo”.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa dhambaal hambalyo ah u diray shacbiweynaha Somaliland gudo iyo dibadba iyo dhammaan shucuubta islaamka munaasibadda ciida weyn ee islaamka ee ciidul Adxa darteed. Gudoomiyuhu salaadii ciida shalay kula tukaday dadwaynaha ku dhaqan degmada Axmed Dhagax oo isugu soo baxay garoonka Hargeysa Stadium, ayaa yidhi “Munaasibadan weyn ee Ciidal Adxa, waxaan shacbiga reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan gudo iyo dibadba u dirayaa hambalyo iyo bogaadin, waxaan sidoo kale hambalyo u dirayaa dhamaan shucuubta ee dunida daafaheeda kala joogta ee islaamka , waxaanan Illaahay ka rajeynayaa in ciidan ciideeeda barwaaqo bash bash innagu gaadhsiiyo iyo waliba Somliland citiraaf caalamka ka hesha.”

Salaanmedia/Hargeysa