Somaliland: Maal-Gashadayaal Turki Ah Oo La Filaayo In Ay Dhawaan Dalka Yimaadaan

(SM:Hargaysa) Koox maalgashadayaal Turki ah ayaa la filayaa in ay dhawaan ku yimaadaan Somaliland booqasho ujeedadeedu tahay in ay u sii gogol-xaadhaan maalgashiga ay dalka ka sameynayaan.

Arrintani waxa daboolka ka qaadey wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga Dr Mohamed Abdilahi Omar oo ay wareysatey shabakadda wararka Somalilandsun. Waxa kale oo uu sheegay in ay heyadda maalgashiga dibadda ee ay wasaaradiisu ku gudo jirto dhismaheedu ay dhaqso u howlgeli doonto.

 

Dr Omar oo qeyb ka ahaa wefdigii madaxweyne Silanyo ee socdaalka ku tegay Turkiga, oo ay wareysigani shabakaddu la yeelatey isaga oo waqtigan ku sugan Imaaraatka, waxa uu sheegay in ay arrintani maalgashiga ka sokow ay dhawr shirkadaha gaarka ahi ay ballanqaadeen in ay inala sameynayaan xidhiidh ganacsi.

Wasiirka ganacsigu waxa uu sheegay in ay qeybaha ay daneynayaan Turkigu ee heshiiska laga wada gaadhey taageeristooda ay ka mid yihiin; horumarinta xoolaha, tamarta iyo biyaha iyo dekedaha.

Iyada oo maalgaliyayaasha gaarka ahi waqtigan ay isu diyaarinayaan qeybihii ugu danbeeyay ee maalgelinta Somaliland oo ay ka mid yihiin dhinacyada ku lugta leh waxsoosaarka awooda korontada, warshadeynta cuntada iyo dharka, waxa uu wasiirku xusey in aaney kuwa arrimahan daneynayaa aaney dooneyn oo keliya iney uga faa’ideystaan ganacsi ahaan , balse ay horumarinayaan nolosha dadka Somaliland oo marka hore ka bilaabmeysa gacansiinta waxsoosaarka gudaha ee hanaqaadey.

 

Dr Cumar waxa kale oo uu sheegay in xoojinta xidhiidhka labada dhinac oo lagu darey abuurista taageeerada horumarka dhaqaale ee dawlad ka dawlad ah iyo sida oo kale maalgelinta gaarka ah ee Turkigu ay lagama maarmaan ka dhigtey furitaanka xafiis qunsuliyadeed oo Hargeysa ah iyo xafiis Somaliland ka furato Turkiga.

Waxaanu carrabka ku dhuftey in Socdaalkii Madaxweyne Ahmed Mahmud Silanyo ku tegay Turkiga ay labada dhinac isla qaateen in la is weydaarsado dublomaasiyiin heer qunsuliyadeed ah.

 

Isaga oo wasiirku ka hadlaya dhinaca sameynta heyada maalgashiga shisheeye ee wasaaaradiisa waxa uu sheegay in ay ka hawlgaleyso dhaqaajinta iyo fududeynta maalgashiga dibadeed ee dalka, waxaanu intaa raaciyay in ay u hawsheeda u bilaabeyso sida ugu dhaqso badan isla marka ay la taliyeyaasha wasaaradu ay soo dhameystiraan siyaasada lagu aasaasayo iyo qaabdhismeedkeedaba.

 

Salaanmedia/Hargaysa