Somaliland: Xoolo Gaadhaya 3.5 Milyan Oo Neef oo Ka dhoofaya Moosinka Xajka

  • Saturday, October 12th, 2013 

Somaliland: Xoolo Gaadhaya 3.5 Milyan Oo Neef oo Ka dhoofaya Moosinka Xajka

Oct 12,2013 Hargaysa(SM) Xukuumadda Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in mooshinkan Xajka ee sanadkan ay dalka ka dhoofayaan xoolo lagu qadaray saddex milyan iyo badh, kuwaasi oo isugu jira Geel, Lo’ iyo Adhi

Dr. Cabdi Aw Daahir, waxa uu tilmaamay in lacag adag iyo dhaqaale badan uu dawladda ka soo gelayo xoolahaasi tiradda badan ee sanadkan dalka ka dhoofay.

Isaga oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi wasiirku “Sanadkan waxa dalka ka dhoofay milyan iyo shan boqol oo kun oo neef, sida warbixinta la ii soo sheegay bishan ugu danbaysay ee carafada ama Xajka ayaa la dhoofiyay, guud ahaan marka la isku darro xoolo lagu qiyaasay saddex milyan iyo badh ayaa dhoofay, markaa run ahaantii lacag fara badan iyo dhaqaale aad u badan ayaa dawladda ka soo gelaya xoolaha nool ee la dhoofiyay”.

Wasiirka xanaanadda xoolaha, waxa kale oo uu sheegay in sanadkan xoolo aad uga badan kuwii sanadadii hore la dhoofin jiray laga keenay goboladda Somaliland iyo wadamadda geeska Afrika ee Somaliland la jaarka ah. “Sanadkan xoolo aad u fara badan oo kuwii sanadadii hore ka badan ayaa la keenay, kuwaasi oo laga keenay gobolada Somaliland iyo Geeska Afrikaba xoolo aad u badan ayaa laga keenay, markaa guud ahaan xoolo aad uga badan xoolihii sanadihii hore ayaa sanadkan la dhoofiyay”.

Iyada oo lagu guddo jiro maalmihii u horeeyay ee bisha Carafo ayaa guud ahaan sayladaha xoolaha ee magaalooyinka Somaliland waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaq aad u sareeya oo lagu kala iibsanayo xoolaha, sida adhiga, geela iyo lo’da xoolahaasi oo laga keenay gobolada kala duwan ee Somaliland iyo deegaanadda Itoobiya iyo goboladda dhexe ee Soomaaliya gaar ahaana Puntland.

Sanad kasta marka la gaadho bisha Carafo ee xiliga Xajka waxaa dekedda Beerbera ka dhoofa afar ilaa shan milyan oo xoolo ah, kuwaasi oo isugu jira geel, lo’ iyo adhi, iyada oo sanadihii danbe magaalada Berbera laga sameeyay maxjarada xoolaha lagu xanaaneeyo ama lagu baadho ka ho rinta aan la dhoofin.

Waxaana la filayaa maalmahan ay dekedda Berbera ka anbabaxaan maraakiib ka qaadi doona xoolo gaadhaya afar milyan oo neef, kuwaasi oo la gaynayo wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Salaanmedia/Hargaysa Office