Su’aalo Muhiim Ah Oo Ku Socda Madaxweyne Axmed Siilaanyo By : Abwaan Khadar Maxamed Yaasiin.

maqaal

Marka hore waxaan salaamayaa Saxaafadda madaxa-banaan ee Somaliland guud’ahaan ,waxaanan si weyn usoo dhawaynayaa ,sida fiican ee ay bulshadooda ugu soo gudbiyaan xaqiiqadda jirta ,Hadh iyo Habeenba. .

Marka labaad hadaan usoo jeesto ujeedada qoraalkayga iyo Su’aalaha aan Madaxweynaha waydiinaayo in uu shicibka uga jawaabo ,ta u horeysa aan ku bilaabo .

 

1)      Madaxweyne marka hore dalku  ma degreetaa mise waa Dastuuri  ?

 

 

2)       Madaxweyne itii aad xilka haysay Xukuumadaadu dhawr jeer ayaad cashuurta kordhisay ,markaa dalka maxaa soo galay ,maxaadse ku soo kordhiseen ee faa’ido ah ?

 

 

3)      Madaxweyne horumarka aad balanqaadeen ee wadooyinku ka midka yihiin ,wasaaradii u xilsaarnayd meeday ?,hadayse hawsheeda gabtay ,Wasiirku maxuu xilka u hayaa ?

 

 

Madaxweyne waxaan jecelahay in aad dadka mawaadiniinta ah adigu uga soo jawaabto Su’aalahan ilayn adigay ku doorteene.

 

 

 

Abwaan: Khadar Maxamed Yaasiin.

Burco Somaliland.