Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Hawgalo Ay Ku Soo Qabqabteen Dhalinyaro Caqabad ku Noqday Ammaanka Hargeysa

Monday, October 21st, 2013 

Taliyaha Booliska Oo Ka Hadlay Hawgalo Ay Ku Soo Qabqabteen Dhalinyaro Caqabad ku Noqday Ammaanka Hargeysa

Oct 21, 2013 Hargeysa (SM)-Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay xafiiskiisa magaaladda Hargaysa ayaa waxa uu kaga hadlay hawl-galo amni oo ay ciidamada ammaanku habeenadii u dambeeyay ka sameeyeen Gudaha Magaalada Hargaysa, kuwaas oo lagu soo qabtay in ka badan Boqol ruux oo eedaysanayaal ah.

Taliyaha Booliska Somaliland waxa uu sheegay in hawl-galadaasi lagu bartilmaameedsaday dhalinyaro waday hawlo dhinaca amaan-darada ah oo qaarkood tuug caadaystayaal yihiin qaar kalena ay isticmaalaan maandooriyeyaal.

Taliye fadal waxa uu sheegay in guud ahaan ciidamada ammaanku gacan ka heleen bulshada si ay gacanta ugu dhigaan dembiilayaaaha qaarkood oo la helay iyagoo dembi gacanta kula jira. Waxana uu shir jaraa’idkiisa kaga dhawaaqay in hawlgaladaasi guul ku soo dhamaadeen.

Salaanmedia/ Hargeysa Office