“Umad Aan Lahayn Maktabad Qaran Waxay Ku Tusinaysa Inay Qaranimadoodii Wax Ka Dhiman Tahay…Waxa Loo Baahan Yahay Inay Somaliland Ka Hawlgasho Dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland”Jamaal Cali Xuseen

“Umad Aan Lahayn Maktabad Qaran Waxay Ku Tusinaysa Inay Qaranimadoodii Wax Ka Dhiman Tahay…Waxa Loo Baahan Yahay Inay Somaliland Ka Hawlgasho Dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland”Jamaal Cali Xuseen

jamaal_12_02Hargeysa(SM):-Murrashaxa madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa waxa uu ku tilmaamay umadd aan Maktabad qaran lahayn inay qaranimadoodii wax ka dhiman tahay,isla markaana waxa uu ugu baaqay shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan inay ka qeybqaataan qaadhaanka loo uruurinayo dhismaha Maktabada qaranka Somaliland (Somaliland National Library).

Jamaal Cali Xuseen waxa uu ka codsaday taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID meelkasta oo ay joogaan inay ka soo qeybqaataan qaadhaan uruurinta dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland.

Sidaa waxa uu Jamaal Cali Xuseen ku sheegay mar uu caawa ka hadlayey Munaasibad qaadhaan loogu uruurinayey dhismaha Maktabada Qaranka Somaliland oo lagu qabtay Huteelka Maansuur ee Magaalada Hargeysa.
Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya qiimaha ay umadda u leedahay Maktabada wax akhrisku,ayaa waxa uu yidhi “Umad aan lahayn maktabad qaran  (National Library) waxay ku tusinaysa inay qaranimadoodii wax ka dhiman tahay,jaamacadaha dalka oo imika fara batay waxaan is-leeyahay waxa ka dhiman uun xawaashkii macaanaynayey tacliintaa ardeydu baraneyso maktabad ay ardeydu cilmi-baadhis ama aqoon korodhsi ku sameeyaan ayaa innaga dhiman”.

Ucidmedia/Hargaysa