Waa maanso aan ku xusayo Mujaahid Lixle. By:Cabdiwelli C Yalas

cabdiweli

Waa yoomul shuhadaa.
Waa maalin wayn oo waa maalintii mujaahidiintii xaq u dirirka ahyd ee SNM loo qoondeeyay in la xuso isla markaana  waa maalintii Mujaahidkii mujaahidiinta SNM.  Maxamed Xaashiye (Lixle) Iyo saciimiin kaleba ku shahiideen  BURCO DUURAY Ilaahay naxariistii jano haka wariibiyo dhamaan  intii inaga shahiidaye ku soo dhawaada  maansadan kooban ee aan ku xusayo Mujaahid LIXLE.

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan.

Miyuu fulaha liitaa
Laasimaha guushiyo
Raga kii lab gaadhaa.

Kuwii luray dadkeenee
Dumarkeena layn jiray
Laaluushka cuni jiray
Maxuu lawdh rasaasiyo
Madaafii lamaanoo
Darandoori laba dhaca
Luuf kooda kala hadhay.

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan

Maxuu luunko qawracay
Hubna leebki kaga hadhay
Maxuu jilinka laaboo
Liishaamay cadawoo
Luufluufshay faqashoo
Lafahooda meel dhigay

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan.

Maskax iyo laxaadbaa
Nin kaa lagu manaystee
Maxuu laaga buurtiyo
God libaax u galayoo
Intuu looxa ugu qoray
U laqimay qorshii iyo
Sida dagaalka loo galo.

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan

LIXLE libinta Eebaan
Waaqii ka laabin oo
Laan bay u sudhantoo
Leexaa janada udug
Loodhigay dhexdeedoo
Ku led baanu leeneeee
Lixdan iyo lixboqol iyo
Lixdankun baanu ducadii
Aamiinta laba nidhi.

Waabilaahi tawfiiq
By:Cabdiwelli C Yalas