Waa Su’aalee Dawladdii Ma Hay’ad Samafal Bay Noqotay?(Xaamud Ducaale)

Mashruuca, Jidka Ceergaabo,ma Xirsibaa maareeye ka ah, ma isagaa xisaabiye ka ah, ma Nacnac baa ka wastaad ah, ma Samsbaa qalda wadihiiya, dadweynuhu se ma cagafbaa?…….

MAQAAL
Maalin aan sidaa u sii foogeen, hadal Xirsi ka soo yeedhay, isaga oo la hadlaaya, ardayda dugsiyo ballan qaaday in qayb ka qaadan doonaan dhismaha wadadad Ceerigaabo loo maro, in lacagta lagu caawiyo wadanada sabool, ay tahay shilimo laga ururiyey dadweynaha. 

Waa runtii. Been ma sheegin. Laakiin ismuu weydiin yaa ururiya. Yaa maamula. Lacagta jeebka dadweynaha ku jirta ee ay waqfi ula baxayaan? Waxaa ururiya ha’adaha samafalka ee ka diiwaan gashan qaranka, oo Somalilandba qaar badani ka jiraan, oo gudahana wax ka ururin kara, debadana codsiyo iyo baaq u diri kara. 

Haddaba teenu waa jaantaa rogan, caadifad iyo hadhaw oo la calaacalo, sida la caadeyste. Dawladu ma noqon karto cashuur qaadihii iyo qaadhaan ururiyihii; xeer maamul lacageed iyo caqli diidan baa jira. Ha’adihii samafalka ayaa hawlgab laga dhigayaa. Xirsi wuxuu ku doodayaa in aynu ku dayano dadweynaha caalamka oo aynu wax qabsano. Taasi garaye, muxuu u garan waayey, in caalamka lagaga daydo maamul wanaaga, istoosinta, wadatashiga iyo hawl qaybsiga. Hore ayaa dunidu ugu soo daashey, qof wax walba keligii qoortiisa ku duuba? Gefafka maamul ee jiraana cid gaar aha ma saarna, waxaa wadaaga sedex gole ee ka hinaasay, Golaha wada tashiga iyo toosinta, oo ka mid ah kaabayaasha dimoqraadiyada iyo in qofku xor u yahay in uu aragtidiisa dhiibto keligii iyo isaga koox ka mid ahba. 

Haddaan taa intaa ku dhaafo, ma jiro qof somaliyeed, iska daa Somaliland oo aan u jibeysneyn in jidka Ceerigaabo la dhiso. Ma jiro qof Somaliyeed oo maanacaya, in barbaarta jacaylku ee mustaqbalku, madaw, caddaan iyo carruurta qurbahu, helaan daw loo maro, Buurta Daalow dusheeda iyo boholaha xargagan, oo ay dalxiis u tagaan, halkay ka tegi lahaayeen meelo badan oo boqolkiiba boqol ay ka qurux badan yihiin; waa Jid ganacsi, hormarka iyo isku soo hilawga beelahaa deegaanka qayb libaax ka qaata, oo aan loo kala waramin. Dhabo isku gurmashada, beelaha geeska Afrika, haddii ay balaayo dhacdo, fududeeynaysa. Daw isku talaala laba kala sed roon. Daw isku talaala laba Buuga fool ka fool isku baratay(Facebook), oo darbi kala dhexyaal, isku soo dhaweenaayaa. Daw qabyaalada qooltaan la dhaca oo ummadda isku faruura Bari iyo Galbeed, oogo iyo Waqooyi, si ay uga foojignaato faqa siyaasiga iyo warrbaahin nacas ah oo u kala waranta. 

Markaa aad daw ka hadalayso, waxaad ka hadalaysaa, nafley, maadh, mood iyo noolba leh. Kama eka socdaalkii dhagax tuurka ahaa ee M/weynaha Somaliland ku saydhay geyiga oo idil, ee taxliisha maamulkiisa ahaa, ee uu kula tirsanayey, madasha wada tashiga iyo toosinta, kaabayaasha dimoqraadiyada, ee ma dhibaanka ah, ee durba dawladii dardargeliyey. Alla ha daayee, noogamay darin. 

Mar haddii jid laga hadlayo, waxaa laga hadlayaa jid ay marayaan nafley, maadh mood iyo noolba leh badbaadintooda boqolaalka sano ee soo socday. Sidaa daraadeed looma baahna siyaasiyiin magac amma manfac ka raadsada. Ma ah in la siyaasadeeyo, ma ah in la kala xigteysto. Dawladda waxaa looga fadhiyaa iyada oo aan ka faa’iideysaneyn, baahida la wada garawsan yahay in si caqli iyo Cilmi ku dhisan Injineeradii aqoonta u lahaa, daraasadihii ay soo sameeyaan, doorka ay ku leeyihiin dawladaha hoose iyo beelha ay dhexmaraysaa, ku talagalkii lacagta ku baxaysa ee ay odoraseen, warbixinihii jidka ay ka diyaariyeen hore iyo danbaysaba, haddii ay jiraan, la soo hordhigo dadweynaha. Intay ku qiimeeyeen iyaga oo tixgelinaya haynteena, qaraameedkeena iyo qadhaabsigeena. 

Mashruuca, Jidka Ceergaabo, ma Xirsibaa maareeye ka ah, ma isagaa xisaabiye ka ah, ma isagaa lacag ururiyihii ah, ma isagaa qasnajigiiya, ma isagaa soo iibiyihiiya, ma isagaa ka foormaan ah, ma isagaa audit-kii ah, ma nacnac baa ka wasdaad ah, ma Samsbaa qalda wadihiiya, kuuligii ma golayaasha sharci dejintaa, dadweynuhu ma cagafbaa? Lacag waa la hayaaye, maamul toosani mee? 

Waxyaabahaa aan isgeyin ee meel qudha la iskugu geeyey, laga yaaba in aqoon darro, daacadnimo, ama daallinimo, mid uun tahay. Bal maxaad u malayn taasoo, weliba dadka qaarkii dareensan yihiin in la adeegsanayo siyaasada ah, durbaankaagu amma gacantaada ha kuugu jiro, amma gacalkaa ha kuu sido, amma guul wade darbane, ha ku daba sido. 

Siyaasinta waxaan leeyahay, ummaddu waa u diyaar dhismaha jidka Ceergaabo eh, maayee injineeradeed, lagala xisaabtami lahaa dhismaheeda, haddii dhibi ka timaad. Mayee technical Reports iyo habkii dawladeed. 

Isku soo wada duuboo, hadday dawladii iyo xildhibaanadii dhismihii jidka siyaasad geliyaan, oo maantaba Reytihi, Ra’yigiisa ka dhiibtey birta loo raminayo, oo uu noqday dhaawacii u horeeyey ee siyaasadeed, waa hubaal jidkaa in qalqalooc imman doono.