Wadada Ceergabo qaadhaanka loo soo uruuriyey ha loo dhiibo reer Ceergaabo sida wadooyinka kale degaankooda loogu dhiibay:

Jawhari

Hadaanu nahay Madasha Wada tashiga iyo Toosinta aad ayaanu u soo dhaweyneynaa dhismaha wadada Ceergaabo si mug lehna waanu uga qayb qaadaneynaa, waliba waxaanu qabnaa inaanu nahay sababta dhismaha wadada Ceergaabo waayo haddii aanaan toosinin Xukuumadda kumey dhaqaaqdeen iney qaadhaanka uruuriso. Xukuumaddu way ku mahadsantahay iney ku dhiirigeliso ummadda iney ka qaybqaataan dhismaha wadada Ceergaabo laakiin faraha ha kala baxdo dhaqaalaha oo ha loo dhiibo reer Ceergaabo waayo Wadada salaxley waxa gacanta ku haya degaanka salaxley, wada Boorame waxa gacanta ku haye reer Borame , wada Oodweyne waxa gacanta ku haya degaankooda.

Xukuumadda waxa looga baahanyahay hawlaha wasaaradahooda iney maamulaan wixii iskaa-wax-u-qabso ah waxa leh shacabka.  Lacagtii xoolaha la saaray ee Wasiirka Madaxtooyadu ugu soo gabaday Wadada Ceergaabo waxa laga rabaa inuu keeno dhawrka million ee laga qaaday xoolihii Carafadan dhoofay iyo lacagta laga qaado shidaalka iyana malaayiin dollar ah. Mise Wasiirku wuxuu raba in isaga iyo guddoomiyaha Qandaraasyada Qaranku ay qaataan qandaraaska dhismaha inleyn waakii qalabka soo iibsadaye.

Ahmed Mohamed – Jowhary                                                                   

Madasha Wadatashiga iyo Toosinta