wadadii oodweyne oo lagu maydhaamay ta ceerigaabo iyada oo dano gaara laga leeyahay!

maqaal

Tan iyo markii lagu dhawaaqay in la dhisayo wadada isku xidha burco iyo oodweyne ayay gudida horumarinta gobolka togdheer u tagtay xukuumada si ay ugu darsato qaadhaan wixii ay awoodo nasiib daro xukuumadu si caga jiid ku dhisan ayay marwalba u qaabilaysay odoyasha arinkaas u socda marnaba xukuumadu may muujin inay wadadaasi tahay wado hadii la dhiso oo ay dhamaato wax ugu filan dalka iyo dadka ay sii dhex marayso sida hada ay xukuumadu u qaabishay wadada ceerigaabo ee ay dhexda ugu xidhatay!,
 
hadaba waa maxay sababta ay xukuumadu u kala jeclaysatay labada wado ee dalka iyo dadka wax tarka u ah?
 
hadaynu su,aashan jawaab teeda doono laba arimood ayaa laf dhabar u ah waa ta koowaade waxaa muuqata inay xukuumadu kala jeclaysatay deeganada dalku ka kooban yahay iyada oo u eegaysa sida dalka loo kala degan yahay waxaanay istuseen madaxweyne siilanyo iyo wasiir xirsi inay awooda uga faa,idaystaan inta uu xukunku gacan tooda ku jiro oo ay horu mariyaan deeganada ay ka soo jeedaan! taasi waa ta ay uga jeclaysteen in hadii ay hirgasho wadada ceerigaabo ay sii dhex mari doonto deegaan ay kasoo jeedaan oo aanay wadada oodweyne iyo hargaysa isku xidhaa aanay wax degaana iyagu ka degin, waana sababta ay ololaha balaadhan ee xooga badan u qaadeen waxaanay xukuumadu qorshaysay 100 km oo ay sigaara iyadu u dhisayso halka aanay wax muuqda aanay ku darsan wadadii oodweyne ee ergeda arinkaas u socotaa 10 jeer madaxtooyada ugu tageen madaxweynaha  halka dhinaca wadada ceerigaabo uu madaxweynuhu u magacaabay gudi heer qaran ah oo hawshaas u kacda!
waxaanay xukuumadu u samaysay xeer gaara oo dhaqaale loogu ururinayo taas oo la saaray gaadiidka iyo xoolaha,  
 
arinta kale ee xukuumadu ka leedahay waa dhinaca taageero siyaasadeed oo ay ku raadinayso inay ku kasbato bulshada balaadhan ee deegankaas ka soo jeeda iyo dhaqaalaha arintaas ku soo xarooda oo la rabo in lagu galo doorashada madaxtooyada ee inagu soo aadan!,
 
waxaa iyana jirta deeganada ay marto wadada is ku xidha burco, berbera iyo hargaysa oo ay lasoo deristay cabsi dhaqaale hadii ay hirgasho wadada burco, oodweyne iyo hargeysa taas oo sahlaysa isu socodka burco iyo hargaysa halkii wareeg dheer la mari jirayna ay ka fududaanayso,
 
sidee hadaba xeegana loo xagtaa ilkana loo badbaadshaa!
 
marka hore xukuumadu waa inay fahan sanaataa in dalka oodhan ay xukuumad u tahay oo xil ka saran yahay oo aan deegaan gaara loo dooran dalka oo dhamina uu u baahan yahay harumarka, hawshana loo kala fuliyo hadba sida ugu fudud ee u suuro galka ah oo aanay dhicin adiga oo xaabadii hore qaadi kari waayay hadana xaabo kale inaad guudka iska sii saarto waa ayaan daro iyo arimaha oo kaa wada qabyooba, waxaanan kula talin lahaa madaxweynaha dalku waa kuu wada baahanyahay ee hakala jeclaysan.
 
Aadan axmed nuur