Wadanka Gambia oo ka baxay Ururka barwaaqa sooranka Aduunka dhowaan.

GaambiaGambia (SM) Wadamadda Barwaaqa sooranka Aduunka ayaan cadeeddu ka dhicin marka lagga eegaayo hogaamiyaha Ururkaasi oo Boqoradda dalkan Boqortooyadda IngiriiskU tahay hogaamiyaha dalalkaasi, isla markaasina Jamhuuriyadda ku guul daraysatay inay Xubin joogtaa ka noqotaa tahay Jamhuuriyadda Somaliland oo walaal Jacayl iyo midowgii Somaliland ku weydey inay noqoto mid ka madda walaalaha dalalkaasi aan cadeeddu ka dhicin maanta, maadamma wadamadani dhamaan yahiin dalalkii wadankan Ingiriisku gacanta ku hayey wakhtiggii Gumaysigga.

Inkasta oo wadankan Gamia uu gumaysan jirey boortaqiisku, hadanna mardanbe waxuu gacantiisa uu galay wadankan boqortooyadda Ingiriiska oo ah hogaamiyaha wadamadda barwaaqa sooranka aduunka oo aad u baaxad weyn saamaynta dalalkaas, inkasta oo Britain tahay Jasiirad yar, hadanna wadankani waxuu ka baaxad iyo bed weynyahay wadamadda aduunka ugu weyn ee Ruushka iyo Maraykanka marka uu dadkiisa siidhigga u afuufo oo aan qoraxdu ka dhicin.

Hadaba, Wadanka Gambia ayaa ku yaala Afrikadda Galbeed, waxaanna dhinac walba kagga wareegsan wadanka Sinigaal, waxaanna lagu qiyaasaa dhulka uu wadankani ku fadhiyo ilaa 4000 mayl iskuweer, halka tiradda shacabkiisa lagu qiyaaso ilaa laba milyan oo qof. Wadankani waxuu hareeraha kagga dheeranyahay webigga caankaa ee Gamia River.
Wadanka Gamia ayaa Xornimadda ka qaadatay wadanka Boqortooyadda Ingiriiska sanadkii 1965 bishii febraayo sideed iyo tobankeeddii, waanna wadanka ugu yar wadamadda Afrikadda Galbeed oo dhul yar iyo dad aad u tiro yari ku noolyahiin.

Hadaba, madaxweynaha dalkaasi Gamia Mr Yaxya Jammeh ayaa bulshadda caalamka u shaaciyey in dalkiisu ka baxay Ururkaasi barwaaqa soorankan aduunka sanadkan 2013 bishiisii Tobnaad, halkaasi oo loo malaynaayo in madaxweynaha dalkaasi Yaxya Jammeh waraaq u diray boqoradda dalka Brirain oo arintaasi ku cadaynaayo in wadankaasi iskagga huleelay wadamadaasi mataanahaa ee aad u balaadhan.
Madaxweyne Yaxya Jammeh ayaa isaggoo asakri da, yara wadankan ku qabsaday afgenbi mulateri sanadkii 1994 bishii Julaayo, waxaanna dib loo doortay sanadkii 1996, waxaa markale dib loogu doortay hogaaminta dalkaasi Gambia Madaxweyne Yaxye Jammeh sanadahii 2001, 2006 iyo 2011. Madaxweyne Yaxya Jammeh oo dhashay sanadkii 1965 bishii May shan iyo labaatankeeddii, sadex bilood ka dib markii dalkiisu xornimadda ka qaatay dalka Britain ayaa weli hogaamiya dalkaasi oo isla markaasina ku dhawaaqay ka bixidda Ururkaasi caalamigga.

Yaxya Jammeh ayaa hore kulankii Qaramadda midoobey u dhaleeceeyey guurka ka baxsan labka iyo dhadigga, waxaanu sheegay sidda uu ku daaweynaayo cudurka caalamka fara xumadda ku haya ee Aidska. Halka reer galbeedku ay u soo jeediyeen dhaleeco badan oo ka dhanna xuquuqal iinsaanka oo Madaxweyne Yaxya Jammeh uu ku kacay oo ay ka mid tahay sidda ay sheegeen dad uu toogasho ku laayey intuu tiirka taagey ama ku xidhay.

Arintu si kasta ha ahaatee warkan ka soo yeedhay Jamhuuriyadda yare e Gambia ayaa ah mid aan lagga soo dhoweyn dhinaca wadamadda Barwaaqa Sooranka Aduunka oo ay Hogaamiso boqoradda dalka Britain, waxaanna jira amuuro ku aadan arintaasi iyo soo shaac bixideedda oo ku siman bishan gudaheedda aan ku jiro.

Wadanka Simbaabwe ayaa hore uga baxay Ururkan, halka lagga joojiyey dalka Fuji. Dhinaca kale waxaa Ururkan ku soo Biiray Jamhuuriyadda Koonfurta Suudaan oo dhowaan ka dilaacday ama ka goday wadankii balaadhnaa ee loogu yeedhi jirey Jamhuuriyadda Suudaan oo iminka xubin joogtaa ka ah Ururka Barwaaqa sooranka Aduunka ee loo yaqaanno (Common Wealth).

Cabdilahi John/UK

 

 

TOP