Wajigii Koowaad Ee Qorshaha Doorashada Maamulka Cusub ee Gobolka Hiiraan Oo La Soo Gabagabeeyay (Sawirro)

Oct 17,2013 Beledweyne (SM) – Kulan ballaaran oo ay maanta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka hiiraan ay ku yeesheen xubnaha ka socda wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada soomaaliya, xildhibaanno, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka beelaha gobolka Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in la soo gabagabeeyay wajigii koowaad ee qorshaha dhismaha maamulka gobolka Hiiraan oo ah mid ku iman doona hab doorasho,islamarkaana la guda galay wajigii labaad.

Agaasimaha guud ee wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cali Abtidoon Xalane oo ka hadllay kulanka ayaa si cad ugu dhawaaqay in loo gudbayo wixii maanta ka danbeeya xulashada ergada degmo walba uga qeyb gali doontai doonta soo xulista gollaha deegaanka oo marka danbe soo dooran doona mas’uuliyiinta maamulka cusub ee badali doono kan hadda jira.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda soomaaliya oo ka hadlay sida degmooyinka gobolka u kala heleen tirada ergada degmo waliba laga doonayo ayaa sheegay in magaalada Beledweyne ay ka soo gali doonaan 150 xubnood, halkaa afarta kale ee degmo looga baahan yahay si isla eg min 100 xubnood.

Agaasimaha guud ayaa intaasi ku daray in 150 xubnood laga soo xulayo magaalada Beledweyne waxana ay dhisi doonaan gollaha deegaannka magaalada Beledweye, Matabaan sidoo kale, Buula-burte Maxaas iyo Jalalaqsi iyagana waa la mid, marka kadib haddana waxaa loo gudbi doonaa in degmo waliba tiro la cayimay ay u soo xushaan in ay uga mid noqdaan gollaha deegaannka heer gobol, kaa oo marka danbe soo dooran doona maamulka gobolka.

Xildhibaannada iyo xubnihii kale ee ka socday dowladda ee kulanka ka qeyb galay ayaa si weyn u soo dhaweeyay habka uu u socda qorshaha maamul sameysashada gobolka hiiraan, iyaga oo sheegay in wax lagu farxo tahay markii ugu horeeysay in bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan u diyaar garoobeen dhismaha maamul ay iyaga sameysanayaa,waxaana ay intaa ku darreen in ay si dhaw ugala shaqeyn doonaan odayaasha beelaha howlaha culus ee hor yaala.

Nabadoon Faarax Cabdi Waare oo ka mid ahaa odayaashii dhaqanka ka qeyb-gallay kulanka ayaa siweyn u soo dhaweeyay qorshaha doorashada maamulka gobolka Hiiraan, isaga oo ballan-qaaday in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u guda-galli doonaan howlaha loo xil saaray.

Agaasimaha guud ee wasaarada arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda soomaaliya Cali Abtidoon Xalane ayaa ugu danbeyntii ku dhawaaqay in soo xulista ergooyinka ay ku eg tahay 25-ka bishan, intaas ku daray in ay gooni-gooni ula kulmaan dadka deegaanka si looga dhaadhiciyo hannaanka soo xulista ergooyinka.

 

Salaanmedia/Mogdisho