War Deg Dega: Odey 63 Jir Somaali Ah Oo Minnesota Ku Dilay Odey Kale Oo 86 Jir Ah Somali Ah


Oct 17, 2013 Minneapolis(SM) – Ciidamada Booliska Minneapolis ayaa gacanta ku dhigay Bashir Yusuf Jama oo 63 sano jir ah, kadib markii uu dilay Oday 86 sano jir ah oo isku dhismo ay ka deganaayeen wadada Street South.

Odayga 86 sano jirka ee la dilay oo lagu magacaabo Jama Adan Mohamed ayaa la ogeyn waxa dilkiisa uu u adeegsaday, hase ahaatee Booliska waxay sheegeen in jug culus madaxa kaga dhacday lana jirdilay odayga dhintay.

Nin 63 jir ah oo reer Minneapolis ah ayaa wuxuu sugayaa in maxkamad la saaro, iyadoo reerka ninka dhintay ay dacwad ka dhan ah jir dil sababay dhimasho uu u geysta 86 jir ka ah u gudbiyeen maxkamadda.

63 jirkani oo geystay jirdilka ee lagu magacaabo Bashir Yusuf ayaa wuxuu deris la ahaa odayga uu jidhdilay, ee Jama Adan Mohamed, waxaana la sheegay iney wada sheekeysan jireen xiliyada qaar.

Salaanmedia Desk