Wararkii ugu danbeeyey ee Kismaanyo, Wadahadalada DF iyo Juba.. daawo Sawiro

Kismaayo (SM) Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose, ayaa sheegaya in halkaas ay xaley ka dhaceen kulamo looga hadlaayo arrimo badan.

Kulamadaas waxa ay dhexmareen wafdiga dowladda ee uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga iyo maamulka Axmed Madoobe.

Maxaa looga hadlay kulamada xaley?

Dhab ahaan si rasmi ah looma oga wax yaabaha looga hadlay kulamada balse ilo ku dhow dhow maamulka Jubba ayaa leh waxaa looga hadlay qoddobo ay ku jiraan in Axmed Madoobe uu ka soo qaybgalo shirka dib-u-heshiisiinta arrimaha Jubbooyinka ee lagu waday maanta in uu furmo iyo Barri Hiiraale la keeno Kismaayo.

Labadaas qoddob waa la isku mari waayay, waana lagu kala tagay sida ay lee yihiin wariyaasha ku sugan Kismaayo.

Axmed Madoobe si cad ah ayuu u didday  ka qaybgalka shirka Muqdisho.

Hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba Axmed Madoobe oo kulan gaar la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, ayaa u sheegay in aysan jirin baahi u tago Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in goobta la rabo gogasha nabadeed ay tahay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa ku gacan seeray qorshe ay wadatay dowladda oo ah in magaalada Kismaayo la keeno Barre Aadan Shirre oo hadda mucaarad ku maamulka Axmed Madoobe iyo in ciidamo maleeshiyo ah oo la socda Barre Hiiraale oo ku sugan Goobweyn lagu soo daro dowladda.

Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay ciidamadaas in ay ka tirsan Al-Shabaab ama ay xiriir la lee yihiin waayo Goobweyn waa meelaha laga soo weerarro ciidamada maamulka Jubba iyo AMISOM ayuu lee yahay.

Isku soo duub lama hubo in ay dhici doonaan kulamo kale in wafdiga ay dib ugu soo laaban doonaan magaalada Muqdisho.

 

Sawirrada

wada 1wada 2wada 4wada 3