WAREYSI KHAAS AH.:Siyaasiga Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Inuu Wax Xidhiidh Ahi Ka Dhaxeeyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Aragtidiisa Ku Wajahan Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Iyo Arrimo kale.

buubaa
WAREYSI KHAASA:Ismaaciil Buubaa Oo Ka Hadlay Inuu Wax Xidhiidh Ahi Ka Dhaxeeyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo iyo Aragtidiisa Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka Iyo Arrimo kale.

“Axmed Siilaanyo waxaanu ahayn dad muddo badan soo wadda shaqeeyay, Markii aanu SNM-ta ahayn…..Madasha wadda tashiga…Isu ekaanshaha in kasta oo ay iyagu naga horeeyeen oo aanu ka danbeynay waxaa la odhan karaa..”WareysiHadhwanaagnews la yeelatay Siyaasi Ismaaciil Buuba.

Muqdisho,(SM):–Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa oo muddooyinkii ugu danbeeyay magaalada Muqdisho ku sugnaa ayaa ka hadlay xaalada dalkaas Soomaaliya ee wakhtigan,sida uu u arko madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka iyo inuu wax xidhiidh ah uu la leeyahay Xukuumadda Somaliland iyo arrimo kale oo fara baddan.

Ismaaciil Buubaa oo caawa khadka Telefoonka ku siiyey Wareysi aad u xiisa baddan Wariye Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale) oo ka tirsan Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews. Waxaanan halkan idinku soo gudbinaynaa qeybtii 1aad ee Wareysiga, Isaga oo ugu horeyn ka jawaabay xaaladda Magaaladda Muqdisho ee waqtigan,“Magaalada Muqdisho dadka u xog-ogaalka ah ayaan ahay muddo dheer oo baddan ilaa intii ay dhacday dhibaatadu. Runtiina waxaan odhan karaa Xamar sida ay maanta tahay muddadii uu dhacay burburku aad ayay uga duwan tahay, waxaanad moodaa inay magaaladdu ka soo kabaneyso dhibaatadii soo martey ee muddada dheer haysay sida ay imika tahay kolnaba intii aan ka war-hayey heerkan oo kale may soo marin, waxaanay imika ila tahay inay magaaladu bilowday waddadii Caafimaadka iyo dib-u-dhisku ku iman lahayd”.
Sidoo kale, mar la weydiiyey Ismaaciil Buubaa maadaama uu in mudo ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho, waxa ay yihiin hawlaha uu wakhtigan u joogaa ayaa waxaa uu yidhi. “Siyaasi ayaan ahay,oo Siyaasada ayaan ku dhex jiraa oo waxaan imika ka mid ahay Golaha midnimada qaranka iyo xoojinta dawladnimada Soomaaliyeed Golle la yidhaahdo oo aan ku darisno dhibaatooyinka haysta waddanka iyo sidii looga bixi lahaa iyo sidii ay suuragal u noqon lahayd in mar labaad dib loo hanto dawlad Soomaaliyeed oo mideysan oo xoogan oo Geeska Afrika ka hanna-qaada”.
Waxa la weydiiyey Ismaaciil Golaha uu sheegay inuu ku jiro hadafyadii ay u aasaasteen iyo waxaa uga hirgalay, waxaana uu yidhi. “Sidaan horeba u idhi Goluhu waxa uu ku jira inuu laba arrimood oo muhiima inuu ka midha dhaliyo, midi waxa weeyaan qaranimada midnimada umadda Soomaaliyeed, waxaad aragtaa degenaashaha Soomaali, daganaashaha Geeska Afrika iyo daganaashaha uu Caalamku uga baahan-yahay mandaqada-ba ay ku xidhan tahay inta ay Soomaali is hey haysato inaanay suuragal ahayn. Qodobka labaadna waxa uu yahay midnimo Soomaaliyeed oo haddii aan laga shaqeyn dawladnimo inay suuragal inagu noqoto dawlad wadaag inay keenaan dhibaato ayaa haysata, waayo waxa dawlad la’aantaba keenay waxay ahayd dawlad xumo. Dawladii military-ga Soomaaliyeed wixii ka danbeeyey 1977-kii aad iyo aad ayey u burburtay oo ay ka dhacday dawladnimo xumo” Ayuu yidhi.

Waxa kale, oo la weydiiyey Ismaaciil Buubaa sida uu u arko wada hadalada u socda dawladaha Somaliland iyo Soomaaliya,waxana uu ku jawaabay oo uu yidhi “Waxay aniga ila tahay aragti ahaan in la xoojiyo wada hadalada u dhaxeeya labada dawladood, oo aanay si wanaagsan isku fahmin oo waxa labada dawladood-ba (Somaliland iyo Soomaaliya) waxa soo food saaran dhibaatooyin baddan, waynu og soonahay in dhinaca Koonfurta Soomaaliya maamulo kala duwan oo dawlado sheeganaya oo yar yar ayaa jira. Dhinaca Somaliland-na laftigeedu ma yara oo waxa laga hadlayaa Khaatumo State, waxa laga hadlayaa meela kale iyo dadyoow kale, waxay ila tahay danta Somaliland iyo dawlada Soomaaliya-ba waxay ku jiraan in arrimaha la isku soo dhaweeyo, in wax kasta laga horeysiiyo danta umadda Soomaaliyeed midnimo iyo kala tag waa halkooda. In waddanku 1960-kii laba qeybood oo midoobay ahaa in la eego labadii qeybood si wanaagsan oo la isku ictiraafsan yahay loo dhaqmo ayaa lagama maar-maan ah ama midnimo ogoloow ama kala tag doon, Marka hore Siyaasadu waxa weeyaan wixii suuragala,wixii suurogal ahna laguma xidho wax aan weli imanin, wixii iman karaa waa halkooda,” Ayuu yidhi

Marka arrimaha guud laga yimaado,Waxaa la weydiiyay, madasha waddatashiga Somaliland wax xidhiidh ah ma la leedihiin maadaama ay magac ahaan isku dhaw-yihiin golaha uu sheegay inay ku midoobeen, waxaana uu ku jawabay oo uu yidhi. “Ragga madashaas ku jiraa waa rag aan wadda aqaan giddigood, waa rag Ixtiraam iyo qadarin xoog leh iga mudan oo aan u hayo. Laakiin, madasha ay ku dhawaaqeen way ka horaysay taayadda. Haddii la eego, isu ekaanshaha in kasta oo ay iyagu naga horeeyeen oo aanu ka danbeynay waxaa la odhan karaa siyaasadda Soomaalidu ma kala tagana oo waa la’iska wada warhayaa. Ahdaafta ay soo qaadeena waa arrimo wanaagsan oo Qaranimo iyo dawladnimo wanaagsan la xidhiidha, waana arrimaha aanu ku hawlanahay qudhayadu. Laga yaabaa in aanu ku kala duwanahay dhinaca midnimadda. Laakiin, guud ahaan dawlad dadka u adeegta sidda ay dawladaha casriga ahi ugu adeegaan dadkooda u shaqeysa inaynu sida dalalka hore u maray u dhaqano ahdaaftaasi waa ahdaaf laga midaysanyahay, laakiin, labada arrimood wax shuqul ah isku lahaa may ahayn.”

Waxaa kale oo aanu sii weydiiyay khilaafkii dhex-maray madasha iyo Xukuumadda Somaliland, waxaana uu yidhi. “Arrintaa waxaan u arkaa madaxweyne Siilaanyo waa nin aanu Saaxiib nahay, wixii uu arkayo inay isaga dan u tahay inuu la shiro weeye, waayo isaga ayaa waddankii madax ka ah inuu la shiro odayaasha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranku waa rag in baddan waddanka u soo halgamay oo maantaba aragtidooda iyo geli-taankooduba saameyn balaadhan ku leeyahay Somaliland, inuu yidhaahdo madaxweynuhu la shiri-maayo waxaan u arkaa khalad oo waa in madaxweynaha loo caqli-celiyaa, cidii danta Somaliland iyo danta Axmed Siilaanyo maamulkiisa wadaa kuma talin karto inay kala shakisiiyo odayaashaas iyo madaxweynaha. Waxaanan ku talin lahaa cidii arrintaas ka shaqeynaysaa inay ka joogsadaan, waxaanan u arkaa arrintaasi inay khatar tahay. Waana in madaxweynuhu si deg-deg ah ugu yeedho odayaasha oo uu horfadhiisto oo uu ka dhagaysto waxyaabaha ay arkayaan in loo baahan-yahay in wax laga qabto iyo sidii wax looga qaban lahaa, waxay soo jeedinayaana Somaliland waxay tarto mooyee wax ay dhibaato u keenayso anigu ma arko. Inuu la kulmana khalad uma arko, dantiisa ayaa ku jirto inuu la kulmo madashaas.” Ayuu yidhi

Su’aalaha kale ee la weydiiyay waxaa ka mid ahaa, Wax xidhiidh ah ma la leedahay Dawladda Axmed Siilaanyo. “Maya, runtii rag badan oo ku jira dawladda waanu is naqaanaa, Axmed Siilaanyo waxaanu ahayn dad muddo badan soo wadda shaqeeyay, Markii aanu SNM-ta ahayn waxaan ka mid ahaa dadkii taageeri jiray isaga. Laakiin, mawiqfka siyaasiga ah anigu waxaan aaminsanahay inay danta Somaliland ku jirto midnimo Soomaaliyeed. Axmed Maxamed Siilaanyana waxaa uu ku jiraa dadka aaminsan in danta Somaliland ku jirto gooni isu taaga, kolkaas guud ahaan waanu iska war-haynaa, oo Soomaalidu waxay tidhaahdaa Abaskuul meela ma wadda joogto warna iskuma seegana., waa la iska warhayaa, laakiin, fikirkayagu wuu kala duwanyahay taasna waxaan u arkaa in aanay shar ahayn. Xubno dawladda Siilaanyo ku jirana shakhsi ahaan waanu wadda xidhiidhnaa. Laakiin, arrimaha siyaasiga ah isuma keeno.” Ayuu yidhi

Ismaaciil Buubaa waxaa uu ka mid-yahay siyaasiyiinta dhalasho ahaan ka soo jeedda Somaliland ee aaminsan fikirka Soomaaliya.waxaana uu dawladihii la soo dhisay dalkaas dhowr jeer ka qabtay xilal wasiirnimo.

La Soco qeybta 2aad ee Wareysigan oo aad u Xiisa baddan…………………..

Salaanmedia/Hargaysa
xigasho
Hadhwanaagnews