Warsaxaafadeed Shirka Golaha Wasiirada Somalia oo looga hadlay qodobo kala duwan

Shirka Golaha Wasirada Somalia

Muqdisho, October 10, 2013—-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa kaasoo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, iyadoo kulankan looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga dalka iyo howlgalada ciidanka xooga ee gobolada, howlgalkii Baraawe ay ka fuliyeen ciidamo Mareykanka iyo shirkii 38-aad ee ka dhacay magaalada Montreal ee dalka Canada kaasoo looga hadlay horumarinta maamulka hawada dalka Soomaaliya.

Ugu horeyntii, golaha Wasiirada ayaa waxa ay ka hadleen howlgalkii degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose ay ka fuliyeen ciidamo Mareykan ah kuwaasoo halkaasi ka sameeyey howlgal beegsi horjoogayaal argagixiso ah.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid” ayaa golaha u sharaxay howlgalkaasi iyo aragtida rasmiga ah ee dawladda,waxa uuna hoosta ka xariiqay in dalalka caalamka ay la kaashanayaan la dagaalanka iyo ciribtirka kooxaha argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dalka.

“Dawladda Soomaaliya waxay la kaashanaysaa dawladaha caalamka sidii loola dagaalami lahaa, loona ciribtiri lahaa kooxaha argagixsada ah ee khatarta ku haya amaanka Soomaaliya, Afrika iyo Caalamka” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlayay howlgalkaasi.

Sidoo kale, golaha Wasiirada ayaa ka hadlay xaaladda amniga ee dalka iyo howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidanka xooggu ka sameeyeen qeybo ka mid ah gobolada, waxaana Wasiirka Gaashaandhigga uu sheegay in howlgalkii ugu dambeeyey ay ciidanku kaga sifeeyeen kooxaha nabadiidka ah degaan lagu magacaabo Qansax-oomane, kaasoo ay gaadiidka adeegsada wadadaasi ay ku dhibaateyn jireen shacabka, lacago baad ahna uga qaadi jireen, waxaana uu xusay in ciidanku ay la wareegeen goobtaasi.

Golaha Wasiirada ayaa warbixin ka dhegeystay Wasiirka Warfaafinta, Boostada, Isgaarsiinta iyo gaadiidka Mudane Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi kaasoo ka warbixiyay natiijada kulankii 38-aad ee hay’adda duulista hawada ee hoostagta Q/midoobay (ICAO), waxaana wasiirka uu la soo galay heshiis taariikhi ah kaasoo dhigaya in Soomaaliya ay sanadka 2014 si rasmi ah ula wareegto maamulka hawadeeda, isla markaana Soomaaliya loo tababaro shaqaale xirfad caalami leh.

Dhanka kale, Wasiirka Warfaafinta ayaa u sheegay golaha Wasiirada in si rasmi ah ay ula wareegtay maamulka iyo socodsiinta howlaha garoonka caalamiga ah ee Aadan-cadde shirkadda Vavori LLC, taasoo kala wareegtay shirkadda SKA oo horay u maamuli jirtay, wuxuuna xusay in si mas’uuliyad iyo maamul wanaag ku jiro ku dhacday kala wareejinta.

Garad Salad Hersi

Press officer, PM office

Mob.+252-61-5536608

Mogadishu, Somalia