Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Oo Si Kulul Uga Jawaabay Eedaymo Uu Xisbiga UCID U Soo Jeediyey Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.

download

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Oo Si Kulul Uga Jawaabtay
Eedaymo Uu Xisbiga UCID U Soo Jeediyey Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Hargeysa- Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Md
Cabdi Daahir Camuud, ayaa si kulul uga jawaabay eedaymo uu
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe u
soo jeediyey xukumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Md Camuud, ayaa jawaabtiisani daba socotay waraysi uu tv-ga Universal
la yeeshay Faysal Cali Waraabe, kaasoo uu si ba’an ugu weeraray qaabka
uu Madaxweyne Siilaanyo dalka ku maamulayo. Wuxuuna sheegay Md Camuud
inuu Faysal Cali Waraabe iska indho tirayo xaqiiqda dhabta ah ee
jirta, isla markaana uu dalka si wanaagsan oo la xalo jeclo ku dheehan
tahay uu u waddo Madaxweyne Siilaanyo, sidaas awgeedna aanu lahayn
eedayntaas uu u jeediyey Madaxweynaha.

Wasiir ku xigeenka gaashaandhiga oo galabta shir jaraa’id ku qabtay
xarunta wasaaradda gaashaandhiga, ayaa Guddoomiye Faysal ku tilmaamay
siyaasi ku fashilmay inuu ka midho dhaliyo siyaasadiisa. Sidaas
darteedna uu madaxda dalka hogaaminaysa uu la daba socdo xajiimayn
aanay lahayn.

Md Camuud wuxuu sheegay in xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ay horumar
aad u ballaadhan ku tallaabsatay mudadii uu taladda qaranka hayey,
gaar ahaan iib geynta qadiyada oo uu sheegay inay wasaarada arimaha
beddu aad uga hawlgashay ictiraaf raadinta oo ay hadana meel wanaagsan
marayso hawshaasi. Isagoo Guddoomiye Faysalna u soo jeediyey inuu ka
waantoobo cayda iyo been abuurka uu la daba socto xukumadda.

Salaanmedia/Hargaysa