Wasiir Xirsi: Udub-dhexaad U Taagan Horumarinta Kaabayaasha Dhaqaalaha Somaliland

IMG_0705 (800x533)

Tan iyo intii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland soo saaray qaraar uu haayadda waddooyinka Somaliland ku hoos geeyay Wasaaradda Madaxtooyada, waxa soo baxayay naruuro iyo yididdiilo lagu hirto oo muujinaysa sida ay labanbaab kor ugu kacday kaalintii, waxqabadkii iyo doorkii haayadda SRA. Ugu horreyn waxa haayaddan Madax u noqday Engineer Xasan Cali Cismaan oo ka mid ahaa ASARDA oo gacanta ku haysa jidka isku xidha Dila-Hargeysa oo ah waddadii koowaad ee lagu dhiso barnaamij ay muwaaddiniintu isku xilqaamaan.

Waxa taas ku xigay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo dhagax-dhigay ama bilaabay dayactirka iyo dhismaha qaybo ka mid ah jidadka halbawleha ah ee ay gacanta ku hayaan bulshada Somaliland sida

Hargeysa-Berbera

Jidka Oodweyne-Burco-Hargeysa

Waddada Hargeysa-Sallaxlay-Ina Guuxaa

Laamida Kalabaydh-Hargeysa

Dawga Cad ee Woqooyiga Hargeysa

Waddada Dila-Boorama

Waxa ay bulshada Somaliland in badan ka fekerayeen sidii ay mar uun dhaayaha u saari lahaayeen iyada oo la bilaabo dhismaha jidka dheer ee isku xidha Ceerigaabo-Burco oo ah laamida ugu muhiimsan ee dalku u baahan yahay, oo isku xidhaysa Somaliland iyo Gobolka Sanaag oo ka go’doonsanaa qaybaha kale ee dalka. Isla markaana u safarkiisa lagala kulmi jiray daal iyo rafaad badan.

Waa tallaabo geesinnimo leh oo lafdhabar iyo adhax u noqonaysa waxqabadka Xukuumadda Somaliland. Waa ku dhac taariikhdu xusi doonto. Waa hawl qaran oo u baahan in laga wada qayb-qaato oo aan mucaarid iyo muxaafid midna loo kala hadhin. Waa guul ku astaysan xilgudashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo xukuumaddiisa, gaar ahaanna waxa door mahuraannimo ka ciyaaray Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhexda u xidhay, habeen iyo maalinna aan ka seexan sidii loo dhammaystiri lahaa jidkan kaalinta halbawle inoogu jira.

Waxa aan leeyahay Wasiir waxa aad gudatay waajibkii kaa saarnaa dhismahan, shaqada aad sida wanaagsan u waddaana waxa aad ajar kaga heli Alle agtiisa. Dadka Somaliland-na waxa ay kuugu hayaan abaal aan duugoobin waxaana laga garan karaa sidii qiimaha iyo qaayaha lahayd ee ay reer Sanaag fardaha ugu soo dhaweeyeen wefdigii u baqoolay Ceerigaabo ee aad hoggaanka u ahayd.

Waxa hubaal ah inay hawshan door waddaniyadeed ka qaateen kana qaadanayaan guud ahaan guddigii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay dhismaha laamida isku xidhaysa Ceerigaabo iyo Burco oo isugu jiray xildhibaanno, culimo, wasiirro, haween, aqoonyahanno iyo waxgarad mudakar ah oo karaankood ka soo bixi doona masuuliyaddaas culus, aniga oo Alle uga baryaya inuu xilkaas u fududeeyo.. Bulshada Somaliland-na waxa aan leeyahay barbarkay ka baxdaa waa bakaylo-qaleen.

Abshir Askar Maxamed

abshiraskar@hotmail.com

Hargeysa, Somaliland