Wasiirada Macdanta Iyo Duulista Oo Ka Warwareegaya Inay Hor Tagaan Golaha Guurtida Oo Qoraalo U Yeedhisa U Kala Diray

 

Daawo Wasiirka Macdanta iyoTamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo ka war bixinaaya sababihii ay shirkada Shidaalku u baxeen.Oct 17, 2013 Hargeysa(SM) – Wasiirada Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa golaha Guurtidu ay todobaadkan horaantiisii qoraalo u yeedhis ah oo ay kaga dalbadeen in gole weynaha ay horyimaadaan ayaa la sheegay inay ka warwareegayaan inay hor tagaan golahaasi. Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun-daloola xildhibaanada golaha guurtida ayaa sheegay in qoraalo rasmiya oo shirgudoonku u kala diray wasiirka Macdanta Xuseen Cabdi Ducaale iyo wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi oo lagaga dalbaday inay gole weynaha horyimaadaan ilo wareedyadu tibaaxayaan in wasiiradaasi ilaa hada ka warwareegayaan fulinta dalabka golaha guurtida.

Ilaa hada si rasmiya looma oga asbaabta wasiirada Duulista iyo Macdantu ay uga maagayaan golaha guurtida, oo iyagu awood u leh u yeedhista masuuliyiinta xukuumada iyo wax ka waydiinta hawlaha ay u kala xilsaaran yihiin hay’adaha dawladu. Dhinaca kale wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo ay dhawaan dalab u yeedhis ah u qoreen shirgudoonka golaha wakiiladu ayaa isagu ka baaqsaday inuu golaha wakiilada oo dhawr jeer u yeedhay inuu gole weynaha horymaado aan fulinin.

Salaanmedia/Hargeysa Office
Haatuf