Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo ka Hadlay Dil Hargeysa Ka Dhacay Iyo Shaqaaqadii Ceerigaabo

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo ka Hadlay Dil Hargeysa Ka Dhacay Iyo Shaqaaqadii Ceerigaabo

newslogo2

Oct 6, 2013 Hargeysa(SM) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade, ayaa ka hadlay dil loo gaystay wiil dhaliyaro ah todobaadkii la soo dhaafay lagu dilay magaalada Hargeysa iyo dillal kala duwan oo labdii bilood ee ugu dambeeyay ka dhacay caasimada Somaliland.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade waxa uu cadeeyay in ciidamada boolisku ay gacanta ku hayaan dhamaan gacan ku dhiiglayaashii geysday dilalkaas, a isla markaana sharciga la hor gayn doono.

Cali Maxamed Warancadde isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waa dembiyo caadi u dhacay, maaha wax kale oo meesha ku jira, Inanka inan ayay wada socdeen dabeedna iyagoo meel tag-taagan ayay kooxdani u yimaadeen had iyo jeerna dhalinyaradu waxay caadeysteen inbadan oo ka mid ahi, hablaha inay qash-qashaan dabeedna Inankii waxa uu damcay inuu inantii ku dagaalamo kadibna dhagax ayay madaxa kaga dhufteen koosi oo uu u dhintay, markibana meesha waanu tagnay aagii isku weer ayaanu ka qabanay markiibana waanu soo qabanay afartii inan ee nabarka gaystay ama dilka geystay, waanay xidhan yihiin dhamantood sharcigaana la horgaynayaa.”

“Runtii waxaan jecelahay ragaasi inay tusaale u noqdaan dhalinyarada kale ee meelahaa istaaga ee habeenkii dadka arbusha”. ayuu yidhi wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde, oo u waramayay laanta af-Soomaliga BBCda, waxaanu intaasi ku daray isagoo ka hadlaya dilal kale oo hore u dhacay “ciidamada boolisku meel walba way joogaan iyo ciidamada 999-ka, laakiin cid baxsataa ma jirto. dilalku way dhacaan laakiin waxa lagu qiyaasaa nooca ay yihiin, markaa noocani waa nooc caadiya, inanta iyadoo meel mareysa ayay u yimaadeen waxaanay damceen inay ka qaadaan computer iyo mobile ay sidatay nabar ayay ku dhufteen nabarkii ayay u dhimatay iyagiina waa la hayaa, dilkan kale inanka loo gaystay isna lamid ayuu ahaa tuugo ayuu ahaa ragii gaystayna waa lahayaa”

Wasiirka arrimaha gudaha, oo la waydiiyay su’aal ahayd sababaha dib-u-rida in maxkamada la hor geeyo tuugada dilalka u geysta dadka, waxa uu ku jawaabay.“Waxaanu doonaynaa inaanu dadka tusno in qofkii dambi geysta ama tuugo ku dila dadka aanu talaabo adag ka qaadno sidii markiiba badhka loo gayn lahaa, waxaana noo socda maxkamada, xeer-illaalinta iyo anaga (wasaarada arrimaha gudaha) sidii loo dadajinayo”.

Wasiirka arrimaha gudaha, oo u waramay BBC-da sidoo kale wax laga waydiiyay shaqaaqada ka dhacday magaalada Ceerigaabo ilaa hada waxa ay ka qabteen waxa uu yidhi,

“Arrintaasi shaqaaqada Ceerigaabo way ka dhacdey, 18 qof ayaa ku dhaawacmay howshiina way dhamaatay lacagtii sideedii ayay u socotay imikana waxaanu u dirnay Wasiirro si dadkii dhaawacmay iyo cidii nabarada gaysatey arrintoodii loo dhameeyo iyo nin askariya oo ku dhintay , markaa imika bandoo ma jiro 10:00 pm habeenimo wixii ka dambeeya askarta aad ayay u illaalisaa laakiin inta kale oo dhan waa caadi”.

Salaanmedia/Hargeysa Office