Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Gaadhay Laascaanood Isla Markaasna Dhagax Dhigay Mashaariic Cusub Oo Laga Fulinayo Magaalada + Sawiro

Oct 20, 2013 Laascaanood(SM) – Wasiirka caafimaadka Soomaliland Saleebaan Ciise Xagla-toosiye ayaa tan iyo intii xilka wasiirnimo loo magacaabay gaadhay Magaalada laascaanood ee gobolka Sool, Wasiir Xagla-toosiye ayaa saaka gaadhay magaalada Laascaanood isagoo soo maray xarumaha caafimaadka sida isbitaalka MCH-yada iyo jaamacada Nugaal kaddibna wuxuuna dhagax dhigay machadka caafimaadka gobolka Sool oo laga dhisi doono meel aan ka fogeyn isbitaalka guud ee gobolka.