Wasiirka Madaxtooyada iyo Ta waxbarashada Oo Ka qayb galay Xafaldo ay Qabsadeen Dugsiyo kala duwan oo ku yaal Magaalada Hargaysa.

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo ay wehelinayso Wasiirka Waxbarashada ayaa maalintii labaad waxay marti-qaad ka heleen Afar Dugsi oo ka mid ah Dugsiyada Caasimada Hargeisa kuyaal.

Wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Madaxtooyada ayaa Subaxnimadii hore ee maanta waxay ka qaybgaleen xaflado kala duwan oo lagu qabtay Dugsiyada kala ah Dugsiga hoose dhexe ee Sheekh Bashiir, Dugsiga Sare ee Maxamuud Axmed Cali Secondary School, Dugsiga Hoose Dhexe ee Mujaahid Aadan Dhamac iyo Madaarisu Daaru-Tawxiid.
IMG_0007

Ugu horay Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Ardayda Sheekh bashiir ee Is-xilqaantay ee dareentay qiimaha 3daa Dollar ay u leeyihiin dhismaha wadada ceerigaabo oo uu wasiirku uga mahad celiyey Ardayda iyo maamulka Dugsiga Sheekh bashiirba.

Waxa uu sawiirku yidhi waxa aan idinku hambalyeynayaa oon idinka mahadcelinayaa martiqaadka aad noo fidiseen iyo diyaar garawga aad u diyaar garawdeen dalka horumarkiisa inaad ka qayb-qaadataan aad iyo aad ayaad ugu mahadsan tihiin illaahaay ha idinka siiyo Khayrkeeda anaguna waanu idin ka ajiibnay waanu idinka mahadnaqaynaa insha allaahu, dadka reer somaliland ee ka qaybqadanaya horumarkana waa muwaadin-nimo qofwalbana u qoran waxaa la bixinaayo ee lagu bixinaayo wadooyinka jidadka, masaalixda caamka ah lagu bixinayaana waa sadaqatu-Jaariya, waa xasanaad qofka ajarkiisa u gelaysa qof walba oo muwaadin ah oo bixiya ha yaraato ama ha badnaato kuwaa yar yar ee bixiyey, kuwa waa weyn ee cirooleyaasha ah iyo kuwa shaqaysta qof walba waxaanu soo gelinaynaa web-site ka wadooyinka ee (Somalilandroads.com) ayaanu soo gelinaynaa qof walba oo muwaadin ahba wuu ka eegi karaa magaciisa iyo wixii uu bixisay halkaas ayuu ku jirayaa, waxaanay noqonaysaa record qaranku leeyahay oo ah marka dhinaca wadooyinka laga hadlaayo qofkastoo ka qaybqatay hadii uu yahay Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka, Askariga, Ardayga inshaallaahu halkaas ayaad kala socondoontaan.
IMG_0038

Meelaha kale ee laga wado horumarka ama (Developments)ka sidaasi si leeg ayaa loogu samaynayaa meel walba waxa uu leeyahay ee u soo geliyey insha allaahu tacaala ayaa loogu abaalinayaa loogu xusayaa.

Sidoo kale wasiirka madaxtooyada oo la hadlaaya ardayda Dugsiga sare ee Maxamuud Axmed Cali wuxuu yidhi marka hore waad salaaman tihiin Maaulka, Macalimiinta, Ardayda iyo Bahda waxbarashadaba, waxa kale oo aan idinka mahadcelinaynaa in bahda waxbarashadu iskaaya barbartaagtay una heelan tahay dalka horumarintiisa in ay isku kaaya barbartaagaan oo lanagu casuumay Dugsiyada kani ka mid ka yahay, la-noola-balanqaaday in aad nagala qaybqadanaysaan horumarka wadooyinka iyo horumarka dalka guud ahaan.

Horumarka Wadooyinku waxay dalka u leeyihiin muhiimad dal aan wadooyin lahayn oo aan isu gudbi karaynin ma horumaro, wadooyinku waa aas-aasiyaadka horumarka, waa kaabayaasha dhaqaalaha, waxay muhiim u yihiin amaanka, waxay muhiim u yihiin isku xidhka dalka, waxay muhiim u yihiin horumarka Guud ahaanba.

Insha allaahu tacaala waxa aynu ka hadlaynaa ee aynu leenahay dalka aynu isku xidhno waa goboladisii waa weynaa oo aan isku xidhnayn oo qaar inaga go’an yihiin oo aanay jidad lagu gaadho lahayn markaa aad ayaanu idinku hambalyeynayaa idinka mahadcelinaynaa inaad nagala qaybqadanaysaan qofka wax yar bixiyey iyo ka wax weyn bixiyeyba.

Ogsoonaadana waxan laynagu soo caawiyo in dad ay hal, hal dollar u soo bixiyaan oo laynagu caawiyo, hadaba ogaada in saddexdiinaa dollar ay wax weyn qabanayso oo ay dalka wax weyn u qabanayso kuna soo kordhinayso, taasina waxay dhisaysaa mustaqbalka dalka iyo kaagaba Ardayo, waana waxaad horumarkaaga iyo mustaqbalkaaga aad wax kaga geysatay.

Waxaanu idin balan qaadaynaa insha allaahu tacaala intii awoodayadu tahay in aanu ku dedaalno dhismaha wadooyinka iyo horumarka guud ahaan dalka oo dhan, waxa aanu wadnaa sidaad maqasheen wadada ceerigaabo, waxa aanu wadnaa wadada Boorama ilaa Dilla oo hada dhamaad ah, waxa aanu wadnaa wadada Burco ilaa Oodweyne, waxa aanu wadnaa wadada Hargeisa ilaa Salaxlay oo aanu kala shaqaynaynaa Deegaanka reer Salaxlay, waxa aanu wadnaa oo aanu bilaabi doonaa wada Baligubadle iyo Hargeisa, Waxa la wadaa wadada wajaale ilaa kala baydh, waxa la wadaa dawga cad oo aanu kala shaqaynayno gudida hawshaasi wada.

Wadooyinkaa dhamaantood waa wadooyin halbawle u ah isku xidhka dalka, amaanka, horumarka iyo dhaqaalahaba, waxa aanu idinka mahadcelinaynaa wixii tabarucaada eed geysateen waxa sidoo kale aanu idinka mahadcelinaynaa niyadsamida la noogu yeedhay lanagu soo casuumay goobaha taariikhiga ah ee sida dugsigan Maxamuud Axmed Cali. Waanad mahadsan tihiin.

Waxa kale oo uu wasiirku ka qaybgalay Dugsiga hoose dhexe ee Mujaahid Aadan Dhamac oo ay wasiirada waxbarashadu xadhiga ka yartay maanta dayr cusub oo loo sameeyey Dugsigaasi sidoo kalena ku baaqay inay 3 dollar ku caawin donaan wadada ceerigaabo saddexda bilood ee ugu soo horeeya.

Wasiirku waxa uu aad u hambalyey waalidiinta ardaydaasi oo iyagu muujiyey taageero laxaadleh oo dugsigan lagu dhisay dayrkiisa sidoo kalena waxa uu uga mahadceliyey kuna amaanay wasiirku doorka ay ardaydaasi ka qaateen kaalmada ay ugu deeqeen Wadada Ceerigaabo ogaadana waa sadaqo inta ay wadaasi jirto idin sonaysa.

Waxa kale oo uu sawiirku kala qaybgalay Ardayda Madaarisu Tawxiid abaabul balaadhan oo ay u sameeyeen in ay ku muujiyaan dareenkooda taageero ee wadada ceerigaabo halkaas oo wasiirku uga mahadceliyey Maamulka iyo Ardayda qiimaha badan ee isugu oo baxay Barxada weyn ee Madaarisu Daaru-tawxiid.

Ugu danbayn waxa uu wasiirku u mahadnaqay Dugsiyadii kala duwanaa ee Martiqaadka u sameeyey waxaanu yidhi waanu idinka aqbalnay martiqaadkiina waanu idinka ajiibnay aad iyo aadna waanu idinku hambalyeynayaa idinkana mahadcelinaynaa taageerada aad u muujiseen wadadaa ceerigaabo.

Salaanmedia/Ceerigaabo