Wasiirka Madaxtooyada Oo Reer Sanaag Ugu Bushaareeyay In Dawladdu Diyaarisay Kharashka Ku Baxaya Dhismaha 100KM Oo Ka Mid Ah Jidka Ceerigaabo Iyo Burco + Sawirro

(SM-Ceerigaabo) – Wefti uu hogaaminayey Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa maanta dadwaynaha reer Ceerigaabo kala qayb-galay tukashada Salaadii Ciiddal Odxada, taasi oo lagu oogey beerta xoriyadda ee Magaalada Ceerigaabo.

Wasiirka Madaxtooyada oo hogaaminayey guddida dhismaha Waddada isku xidhaysa Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco oo ka kooban 370Km isla-markaana bishii hore Madaxwayne Siilaanyo dhagax dhigay si loo bilaabo dhismaheeda, ayaa dadwaynihii Salaada Ciidda isugu soo baxay u jeediyey khudbad ku aadanayd sidii ay gacan uga geysan lahaayeen dhismaha waddadaasi oo ay ku baxayso Malaayiin doolarka Maraykanka ahi.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa uu reer Ceerigaabo ugu bushaareeyay inay dawlad ahaan diyaariyeen kharashka 100Km oo ka mid ah jidkaasi, isaga oo sidoo kalena ugu baaqay inay qalbigooda ka saaraan warwarka iyo baqaha ay ka qabaan hawsha culus ee dhismaha waddadaasi, waxaanu u soo bandhigay qorshayaal dhaxal-gal ah oo lagu rumayn karo dhismaha waddadan oo boqollaal sanadood dadka reer Ceerigaabo ama gobolka ay dhibaato ku qabeen.

Wasiir Xirsi Cali Xaaji Xasan, waxa uu shacabka reer Ceerigaabo u soo jeediyay in intaanay xoolo ugu deeqin dhismaha jidkan, ay qalbiyadooda u sheegaan in jidkan la dhisi karayo isla-markaana maalin maalmaha ka mid ah la arki doono iyadda oo xadhiga laga jarayo oo la marayo.

Wasiirka oo arimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Guddi ahaan waxaanu u soconay arrintaa waddada, waad ogeydeen oo Madaxwaynuhu wuu dhagax dhigay waddadii oo wuu bilaabay, waxa laga yaabaa in dad badani leedahay mala samayn karayaa, haa waala samayn karayaa, qalbigiina wer-werka ka saara, waxa kaliya oo aynu u baahanahay innaga oo gacmaha is haysana inaynu ku dhaqaaqno, bani-aadamka cid ku horumartay wax banaanka looga keenay ma jirto, dawladaha waaweyn ee awoodda leh, cid xoog ama xoolo loo soo waariday ma jirto, mid dariiq loo soo waariday ma jirto, cid walba iyagaa wax qabsaday oo halkaa ku gaadhay, innagu waxaynu ka hadlaynaa maanta jidkan aynu samaysano, waa sahalo, sidan hore u sheegnay dawladdu waxay isku diyaarisay inaan jidkaa dhexda u xidhano, afka oo kaliya maaha, dhaqaalihii ayaanu ugu talo-galnay waxaana loo galiyey Miisaaniyadda 2014-ka, Madaxwaynuhu bajadkaas oo kaliya kumuu daynin, laakiin dadka u shaqeeya dawladda oo Madaxwaynuhu ugu horeeyo, ilaa askariga ayaa qaadhaankii la waydiiyey, waa askariga furinta jooga, waa Macalinta buugga iyo Tamaashiirta sita ayaa la waydiiyey qaadhaanka, qof kasta oo dawladda u shaqeeya qaadhaan ayaa lagu qoray, dhammaantoodna way caqbaleen, golayaasha Baarlamaanka ee Guurtida iyo Wakiilada waydinkii arkayey oo qaadhaan baa lagu qoray, markii intaas oo dhan qaadhaanka lagu qoray, ayaa idinkiina Reer Ceerigaabo-na la idiin yimid”

Wasiirka Madaxtooyadu waxa kale oo uu sheegay “Waad Arkayseen kumanaankii Haregysa isugu yimid, ee u yimid inay waddadaasi kaalin ka geystaan iyo waddooyinka guud ahaanba, waxaanu idinka rejaynaynaa reer Ceerigaabo inaad ugu horeysaan hanka iyo himilada oo aad tidhaahdaa “HAA” waynu qabsan karaynaa , diyaar-baanu u nahay, oo ay qalbigiina gasho, intaydaan xoolaba ku deeqin safka h horeeya gala, bani-aadamka wax ugu dhib badan wax qalbigiisa gala oo dib u dhac ku rida oo Magac xumo ku rida baqdinta iyo fulaynimada, qofowna ha is odhanin lama samayn karayo oo waynu samayn karaynaa iinsha Allaahu tacalaa, gacmihii reer Somaliland oo dhami way dihin yihiin, qurbo-jooguna way dihin yihiin, ganacsatadii iyo Tujaartiina looma tagin, haddana baqaha waxa idinka saaraya maanta, waxaanu diyaarinay oo dawlad ahaan aanu diyaarinay ilaa 100km, markaa kashiina baqaha ka saara waynu samayn kareynaa, waxaynuna maalin maalmaha ka mid ah arki doonaa, iyadda oo samaysan oo la marayo oo xadhiga laga jarayo.. iinsha Allaahu Tacaalaa”ayuu yidhi.

 

 Salaanmedia/Ceerigaabo