Wasiirka Madaxtooyadda Oo Xalay Isu Maray Bandhigyo TV-yadu U Sameeyeen Dhismaha Jidka Ceerigaabo

(SM-Hargaysa)Wasiirka Madaxooyadda Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin uu hoggaaminayay oo ka mid ahaa Guddigii Jidka Burco iyo Ceerigaabo ayaa xalay ka qeyb galay laba barnaamij oo kala duwan oo TV-yadda SLNTV iyo HCTV u sameeyeen wacyigelinta bulshadda ee ka qeyb qaadashada jidkaasi.

Labadan barnaamij waxay ahaayeen kuwo toos ah oo dadweynaha ku dhaqan daafaha duniduna ay tallooyin iyo su;’aallo ka weydiinayeen tabaabushaha loogu jiro taabo-gelinta wadadan halbowlaha ah.

“Waa hubaal oo ku tallo-galka ugu weyn ee hirgalinta wadada Ceerigaabo iyo Burco waa shacabka xariirta ah ee reer Somaliland gude iyo dibed meel ay joogaanba Waxaa hore loo tijabiyey awooda iyo kartida shacabka reer Somaliland waxayna cod dheer iyo ficil ku muujiyeen in ay maalinba mid garabkiisa buuxiyaan. Waxaa xaqiiq ah in aanay wadooyinka cid gaar ihi lahayn balse ay yihiin isku xidhayaal iyo kaabayaal dhaqaale oo cid walba manaafacsato,”ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda, sida lagu baahiyay Mareegtiisa internet-ka ee guusha.com

Waxaanu intaasi ku daray “Waxaan shaki ku jirin in shacabka reer Sanaag kaalin mug leh ka soo qaateen hirgalinta wadooyin badan oo Somaliland maanta ka hir gasha, maantana ay taagan tahay xiligii iyagana la garab joogsan lahaa,”

U sara kaca hirgalinta Waddada Ceerigaabo iyo Burco maaha mid keenaysa in laga fadhiisanayo wadooyinkii horay u socday, balse waa mudnaanta koowaad kuwo kalena waynu wadaynaa Insha Allah.”

Wasiir Xirsi waxa uu sheegay inuu farxay bandhigyadii ay sameeyeen Telefishanka qaranka iyo Horn Cable TV oo ay labada ka qeyb galeen masuuliyiin uu hoggaaminayay oo ka mid ah Gudida jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Si hadaba. dareenkaas aan abuurno isla markaana qaadhaan ugu ururino Wadada Ceerigaabo iyo Burco ayaan xalay barnaamijyo toos ah “Live” uga qayb-galnay TV-yada Qaranka iyo Horn Cable-ka,Waan ku farxsan nahay kuna indho qabowsanay dareenka bulshadu ku qaabishay iyo qaadhaanka ay ku yabooheen.”

“Waan u ducaynaynaa isla markaana bogaaadinaynaa cid walba oo ay u suurto gashay in ay nala soo xidhiidhay iyo intii aanay u suuro galinba ee galiyey wakhti badan, tallo, Maal iyo muruq intabana hibeeyey,”ayuu intaas ku sii ladhay.

Wasiirka Madaxtooyaddu waxa uu ammaanay dhalinyaro uu ku tilmaamay inay hindiseen fikir saliim ah oo ah hirgelinta maktabad qaran, waxaanu yidhi “Sidoo kale waxaan la soo dareen iyo qaadhaan qaybsaday dhalinyarada fikirka fiican ee u sara kacay hirgalinta Maktabada Qaranka oo runtii noqon doonta mid lagu kaydiyo xasuuso badan oo maanta ku dhaw in ay inaga dayacmaan.

Shacabka reer Somaliland meel ay jooganba ku noolada farxad iyo guul WA BILAAHI TAWFIIQ.”