Wasiirka Warfaafinta Oo Bogaadiyay Xarakaadka Guddiga Jidka Ceerigaabo iyo Heelanaanta bulsho-weynta

October 18th, 2013 

cukuse

Hargeysa (SM)-Wasiirka wasaarada Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in shacbiga gobolada dalku ay ku diirsadeen qorshaha xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee lagu hagaajinayo jidadka wadanka.

Wasiirka oo maanta u waramayay qaar ka mid ah warbaahinta dalka waxa uu Hambalyo u diray weftigii Gudidii qaadhaan u ururinta jidka isku xidha Burco iyo Ceerigaabo oo uu sheegay inay muddo kooban sameeyeen xarakaad badan oo sida uu tilmaamay ay shacbiga gobolka Sanaag-na ay u barbar istaageen si waddaniyad leh oo ka turjumaysa baahida weyn ee ay u qabaan horumarinta jidadka.

Wasiirka Warfaafintu waxa uu intaas ku daray tan iyo markii la dhaqan-geliyay xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka ay shacbiga Somaliland u soo jeesteen inay xukuumadda ka saacidaan horumarinta waddooyinka, waxaanu bulsho weynta Somaliland ugu baaqay inay ka qeyb qaataan qaadhaanka lagu hirgelinayo jidka Burco iyo Ceerigaabo oo uu xusay inuu badh ka yahay dalka.

Md. Cabdilaahi Cukuse waxa uu sheegay inuu ku ammaanayo Madaxweynaha iyo Wasiirka Madaxtooyadda hindisaha xeerka takaaliifta horumarinta waddooyinka oo uu ku dooday in ay arrintaasi furre u noqotay in gobolada dalku ay iska kaga daydaan kuna dedaalaan horumarinta dalkooda.

Salaanmedia/Hargeysa

Â