Wasiirka Warfaafinta Oo Soo Bandhigay Qorshihiisa Horumarinta Wasaaradda 2014-ka

October 8th, 2013  

cukuse

 

Hargeysa, (SM)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa kulan hawleed ku saabsan kor u qaadista wax soo saarka telefishanka qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa u furay barnaamij soo saareyaasha xarumaas.

Kulan hawleedkan oo maanta ka qabsoomay xarunta wasaaradda warfaafinta, isla markaana socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxa ka qayb-galaya madax qaybeedyada iyo barnaamij soosaareyaasha telefishanka qaranka iyo idaacadda Radio Hargeysa. Wasiirka warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay furitaankii kulan hawleedkaas ayaa sheegay in dibu habayn lagu samayn doono waaxyaha kala duwan ee wasaaradda warfaafinta iyo wax qabadkooda, marka la gaadho bilawga sannadka soo socda ee 2014, waxaanu tilmaamay in qiimayn lagu samayn doono shaqada iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, iyadoo uu xusay inay hawlgali doonaan arrintaas guddi uu wasiirku hore ugu saaray.

Wasiirka warfaafinta Somaliland waxa uu sheegay inay lagama maarmaan tahay in qof kasta oo shaqaalaha wasaaradda ka mid ah lagu qiimayn doono kaalinta uu kaga jiro shaqada iyo doorka uu ku leeyahay hawl socodka joogtada ah ee ka socda wasaaradda.

Wasiirka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi. “Waxaan doonayaa inaan idinku wargeliyo marka la gaadho bisha koowaad ee sannadka dambe aynu bilaabi doono, dibu-habayntii wasaaradda qaybaheeda kala duwan oo dhan, Telefishanka, Idaacadda, Wargeyska qaybta Internet-ka iyo farsamaddaba, waxaynu bilaabi doono in dadka wax iska bedelaan oo dadka qaar aynu wayno qaar fiicanina ay soo galaan, afarta qayboodba waynu samayn doonaa, waxaynu ku dhaqmi doonaa taladii guddidii dib u qiimaynta shaqaalaha iyo wax soosaarka Telefishank iyo Idaacadda Telefishan dambe oo sidan ahaanayaa ma jirayo.

Dadkuna sidan dhagaxaan u ahaan maayaan oo is-dugsan maayaan, waxaynu ku maamuli doonaa gacan midaysan, waxaynu ku maamuli doonaa inay noqdaan qaar ummaddu wixii ays u samaysatay oo keliya u qabta oo meel qaarna nolol dheeraad ah ku helaan, iyaga oo aan waxbaba qabanaynin, qaarna ay habeen iyo maaliba rafaadsanaadaan oo ay carruurtoodii caano u waayaan suurtogal ma noqon doonto, halkan waxa inala jooga madax badan, oo isugu jira agaasimeyaal, la taliyeyaal waxa jira qaar madax qaybeedyo ku qoran oo afartaa bilood ee aan joogay aanan indho saarin, taasi miyaanay dulmi ku ahayn adduunkii uu qaadanayay ee ahaa cashuurta aynu dadka ka soo urrurino.”

Waxa uu wasiirku intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata,  “Guddida wax qiimaynaysa, qodobaddii ay ku duulayaan ee ay wax ku qiimaynaynayaan waxa kale oo dhinac socota qiimayn lagu qiimaynayo barnaamij soo saarayaasha oo ay madaxda qaybuhu samaynayaan, qaabka loo qiimaynayaana waxa weeye inuu qofku barnaamijka uu samaynayo uu magaciisa sheego, ujeedadiisana ku hoos qoro, qofka markaa soo saaranayana la ogaado waxa uu qabto oo qof laftiisu aqoontiisa hakusoo qoro, qofka soo jeedinayana aqoonta halagu soo qoro, ka dibna bulshadu sida ay u aragto hala baadi doono oo warbixin laga diyaariyo.”

Salaanmedia/Hargaysa