Weftigii Wasiirrada Somaliland Oo La Kulmay Wasiirka Waxbarashada Dalka Masar

October 26th, 2013 Comments Off

OLYMPUS DIGITAL CAMERAMasar (SM)-Waxaa maanta oo ah Sabti oo taariikhdu tahay 26/10/2013. Wasiirka Arrimaha dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Waxabarshada Marwo Sam Sam Cabdi Aadan, ayaa kulan socday muddo saacad iyo badh ah xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka waxabarshada sare ee wadanka Masar AL Daktoor .Husam Ciisa oo uu waheliyo ah wakiilka madaxa qaybta Mission ka wax barashada iyo dhaqanka ee dalka masar Alstaad Dr. Mahamed Samir Xamse.

Kulankaasi oo ahaa kulan aad u mihiim ah waxaa lagu soo qaaday lagana wada hadlay arrimo khuseeya wax barashada iyo xaalada ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalka Masar iyo mashaakilka ka haysta si loo xalin lahaa iyo sidii loo heli lahaa deeqo wax barasho oo hor leh .

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta dhexe ee Wasaaradda Khaarajiga Somaliland, Waxa Wasiirka arrimaha dibedda iyo Wasiirka wax barashadaSsomaliland ay u bandhigeen arrimo ku saabsan deeqda waxbarasho ee dalka Masar u siiyo Somaliland taas oo ardaydii ugu horeysay oo 10 ah ay dhawaan iman doonaan dalka Masar oo Wasiirka wax barashada sare ee dalka Masar balan qaaday in ay si dhakhso ah ay dalka iman doonaan iyaga oo ku socdaalaya Baasaboorka Somaliland.

Dhinaca kale waxaa wasiirka wax barashada sare ee Masar balan qaaday in Masar ay somaliland siin doonto deeqo wax barasho oo u gaar ah Somaliland.
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Kulankan oo ku dhamaaday jawi dagan iyo is afgarad buuxa wuxuu ka dhacay xafiiska Wasiirka wax barashada sare ee dalka Maser iyada oo weftiga Somaliland ee u hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibeddu ay balamo dhawr ah oo kale la leeyihiin laamaha kale duwan ee dawladda.

Salaanmedia

Somaliland.Org/Hargeysa