Wiil Turki Ah Iyo Gabadh Soomaali Ah Oo Maanta Muqdisho Isku Guursaday(Cajiib)

Oct 18, 2013 Muqdisho (SM) – Wiil Turki ah iyo Gabar Soomaali ah ayaa maanta isku guursaday magaalada Muqdisho, iyadoo iminka Xafladooda Arooska ay ka socoto Hotelka City Palace ee degmada C/casiis. Wiilkan Turkiga oo lagu magacaabo Muhamet Birlik ayaa guursaday Gabar Soomaali oo lagu magacaabo Khadiija Cali Shariif, waxaana xafladooda arooska ka soo qeyb galay dad fara badan oo Soomaali u badan.

Arooskan ayaa ah kii u horeeyay ee Muqdisho ka dhaca oo ay isku guursadaan Soomaali iyo Turki, waxayna u muuqataa mid macno badan u sameyneysa xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya. Shaqaalaha Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa aad u dhex galay Soomaalida, iyagoo ka dukaameysta mehradaha ganacsi ee ay Hablaha Soomaalida leeyihiin ee ku yaala magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho

 

Xigasho cadceed