Wuxuu Dareenkaygu is Badalay Markay Dahabkoogii ku Deeqeen. “Waynu Qaban Karnaa, Waynu Dhisi Karnaa Hadii aynu isku Duubni La Nimaadno”Wasiir Xirsi

Wasiir-xirsi-300x252

Wuxuu Dareenkaygu is Badalay Markay Dahabkoogii ku Deeqeen.
“Waynu Qaban Karnaa, Waynu Dhisi Karnaa Hadii aynu isku Duubni La Nimaadno”

Waxay ahayd Shalay kadib markii dareenkaygu is badalay aanan markale go’aan adag ku sii qaatay in aan u tafa xaydano hirgalinta waddada isku xidhi doonta Burco iyo Ceerigaabo oo sanado badan daayacan,
waxay ahayd shalay kadib markii aan fagaaraha khayriyada ee Ceerigaabo aan kala hadalnay bulsho waynta ku dhaqan degmada Ceerigaabo anagoo uuga dan lahayn dardar galinta iyo diyaar garaynta Bulshada degmada Ceerigaabo in ay si mug leh uuga qayb qaataan waddada sanadaha badan curyaamisay horumarkii Gobolkaasi lahaa,
Waxay ahayd shalay kadib markii lacag dhisi karta ku dhawaad 2km daqiiqado kooban gudahood lagu yaboohay
Waxay ahayd shalay kadib markii kumanaan iyo kumanaan xoolo ah lagu balan qaaday si loogu dhiso dawga Burco iyo Ceerigaabo “ Wankaaga ku Wanaaji Wadadaada” wuxuu kamid ahaa hal ku dhagyadii ay isku dardar galinayeen bulshada ku dhaqan Guud ahaan Gobolka Sanaag
Waxay ahayd uun shalay kadib markii guud ahaanba dareenkaygu is badalay farax iyo rajo badana aan ka qaaday ruux dumar ah markay qoorteeda Silis dahab ahaa ka soo furtay isla markaana cod geesinimo leh ku tidhi quruxda qoortayda waxaa ka qiimo badan quruxda Jidkayaga!!!!!!
Waxay ahayd uun shalay kadib markay reer Sanaag go’aan cad ku sheegeen in aanay u dul qaadan doonin gabadh dambe oo umul aroorta.
Waxay ahayd uun Shalay kadib markay Kumaanan waraaqo “Contribution” ah ku soo buuxiyeen lacago ay ku yabooheen bulshada reer Ceerigaabo in kamidana lacag cad ku dhiibeen “Cash”
Waxay ahayd Shalay maalin qiimo badan, dareen badan, go’aan badan, qiimo badan.
Insha Allah waynu dhisan karnaa waynu qabsan karnaa hadii Alle inoo ogolaado oo aad idinkuna dedaalka iyo qalbi wanaagaa aad hada ku qaabisheen sii wadaaan.

Wa Bilaahi Tawfiiq