Xafiiska Xidhiidhdka Jaaliyadaha UK oo Soo bandhigay habka loo qabankaro Kulan ay jaaliyadaha UK la yeeshaan gudiga dhismaha Ceerigaabo.

SDA/JSL/EU.Office/139/2013                                                   Date:29/10/2013

 

 

Ku: Jaaliyadaha iyo Ururada Somaliland ee UK

Og: Xafiiska Somaliland Mission UK

Og: Xafiiska Xidhiidhka Jaaliyadaha Somaliland ee Hargeysa

Og: Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Wadooyinka Somaliland ( Wasiir Xirsi Cali X Xasan )

 

Ujedo: Talo soo jeedin Habka ugu haboon ee loo geli karo Qaadhaanka Wadooyinka Somaliland.

 

Xafiiska Xidhiidhka jaaliyadaha Qurbajooga Somaliland Laantiisa EU markii uu deraasad dheer iyo wada tashi jaaliyadaha ah sameeyey lana kaashaday xogtaha uu hayo xafiisku ee jaaliyadaha iyo ururada Somaliland kuna saabsan habka ay jaaliyaduhu u dhisan yihiin  wada jirna  hawlaha ugu wada geli karaan iyadoo laga ilaalinayo hawl inaga dhicisowda ama la isku riixriixo ama xisbiyo la isugu eego sidoo kalena xafiisku eegaya qiimaha ay leedahay wadada qaran ee isku xidhka gobolada dalka Somaliland oo baahi weyn loo qabo.

 

Wuxuu Xafiisku Talo ku soo jeedinayaa in la ixtiraamo hab dhismeedka jaaliyadaha iyo Ururada Somaliland ee Dalkan UK ka jira loona maro habkan qabashada Kulan balaadhan oo lagula kulmo Gudiga Dhismaha wadada Ceerigaabo oo uu Gudoomiyihii gudigaas Wasiir Xirsi uu  UK inala joogo xubno gudiga ka mid ahina dhowaan iman doonaan.

 

Xafiisku wuxuu ku talinayaa in Qabanqaabada Kulankaas dhinaca London Loo igmado Ururka BSC British Somaliland Counciloo ay ku midaysan yihiin ururada ugu badan Somaliland ee ka jira UK iyo Labada jaaliyadood ee ku ragestergaraysan magaca Somaliland waa Westlondon Somaliland Community &  Eastlondon Somaliland Society  iyagana waxaan ka codsanaynaa inay sida ugu dhakhso badan u kulmaan oo hawshan gacabnta ku qabtaan si ay midha dhal u noqoto maadaama oo ay yihiin kuwa keliya ee kalsoonida shacabka haysta.

 

Dhinaca gobolada wuxuu xafiisku kula talinayaa inay gudiyada Jaaliyaduhu diyaariyaan kulankii ay gudiga uu Wasiir Xirsi gudomiyaha u yahay ku qaabili lahaayeen si aynu guul uga gaadhno qaadhaan ururinta wadada ceerigaabo oo aan habacsanaani uga soo bixin.

 

Abdirahman Ali Ubaxle

Gud. Qurbajoga Somaliland ee EU

Birmingham Uk