Xildhibaanno Sababeeyay Sharciyada Muddo Kordhinta Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda

Xildhibaanno Sababeeyay Sharciyada Muddo Kordhinta Guddiga Diiwaan-gelinta Ururadda

October 21st, 2013 

xildhibaanoHargeysa, (SM)- Guddoomiyaha guddi hoosaadka shuruucda iyo garsoorka ee golaha wakillada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin iyo Xildhibaan Cumar Axmed Sanweyne oo ka mid ah mudaneyaasha wakiillada ayaa sheegay in Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) awood u leeyahay inuu muddo xileedka u kordhin karo guddida diiwaangalinta ururrada siyaasadda iyo ansixinta axsaabta.

Xildhibaannadan oo shalay u waramayay Wargeyska Dawan ayaa waxay tilmaameen in xeer No. 14 qodobkiisa 3aad uu cadeynayo in madaxweynuhu guddida diiwaangelinta muddada u cusboonaysiin karo, waxaanay eedaymaha xisbiyada mucaaridka ku tilmaameen mid jaahilnimo ah.

Ugu horayn Guddoomiyaha guddi hoosaadka shuruucda iyo garsoorka ee golaha wakiillada Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin oo arrimahaasi ka hadlayay waxa uu yidhi, “Sida ku xusan xeerka 14 lifaaqiisa ee golaha loo soo gudbiyay sannadkii 2011-kii bishii December waxa jira lifaaq lagu sameeyay kaabid xeerkan 14, kaasi wuxuu cadaynayaa qodobkiisa 3aad in awood Madaxweynuhu u leeyahay inuu u kordhiyo muddada guddidu sida uu xeerku dhigayo qodobka 3aad faqradiisa 6aad kaabista lagu sameeyay waxay xusaysaa guddidu waxay xilka haynayaan muddo labo sannadood oo ka bilaabanta maalinta maxkamada sare xilka u dhaariso, Madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa haddii loo baahdo, iyada oo kordhinta cusub laga ansixin doono golaha wakiillada, markaa sharciyan waa ansax Madaxweynuhu awood buuxda ayuu u leeyahay sida uu xeerkaasu sheegayo in loo kordhin karo muddadu hadday ka dhamaato guddida diiwaangalinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caalin waxa uu tilmaamay in xisbiyada mucaaridka ah ay aqoon daro ka tahay inay madaxweynaha ku dhaliilaan muddada uu u kordhiyay guddida diiwaangalinta ururrada iyo ansixinta axsaabta, “Qolada mucaaridka ah ee sida cad uga hadlay waxaad moodaa inaanay xeerka dhamaystirkiisa helin, kaabistiisana helin xubno golaha ah ayaa ku jira meel ay ka martay garan maayo, haddaanay badheedh ahayn ama waa aqoon daro oo jahli keenay ama waa indho la’aan xaqiiqada xeerka iska indho tirayaan, waana iska caadi in wax uun la sheego, iyadoo aan xaqiiqada la gaadhin. Waa inoo caadi hadduu qofku mucaaridka noqdo in uu indho beelo oo aanu xaqiiqada raadin.” ayuu XIldhibaan Cabdraxmaan, waxaanu intaas ku daray, isagoo hadalkiisa sii wata. “Waxaan idiin odhan lahaa intaydaan hadlin ee aydaan xeerarka naqdi ku samaynin waa inaad akhridaan xeerarka oo dhamaystirtaan xeerarku maaha oo keliya in mar la soo saaro oo intaa ku dhamaystiran yahay. Xeerarka qaarbaa afar lifaaq leh qaar baa shan lifaaq leh qaarbaa labo lifaaq leh qaarbaa hal lifaaq leh.”

Sidoo kale, Xildhibaan Cumar Axmed Saleebaan (Sanwayne) ayaa isaguna tilmaamay inay ceeb ku tahay xildhibaannada golaha wakiillada ee Madaxweynaha ku dhaliilaya muddo kordhinta uu u sameeyay guddida diiwaangelinta iyo ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta, waxaanu yidhi, “Waxaad moodaa xeerkan aad looga hadlay ee xeer No. 14/2011 in aanay akhriyin waxaan la sii hadlayaa xidlhibaannada yidhi waa qayral sharci kordhinta madaxweynuhu ee guddida diiwaangelinta ururrada siyaasada iyo ansixinta axsaabta qaranka, ninka xildhibaanka ahi waa inuu marka hore sharcigu marka uu golaha yimaado uu akhriyo, waa in aanu golaha ka maqnaan ee wixii lifaaq ee isbedel ah ee lagu sameeyo waa inuu joogo.”

“Xildhibaannadii ka hadlay xeerkan in aanay akhriyin xeerarka golaha imanaya ayaad moodaa sababtoo ah haddii ay akhriyi lahaayeen may ku hadleen aflagaadadan ay kula hadlayaan madaxda ummadda waxay ila tahay iyagoo xildhibaanno ah oo ummaddu soo dooratay waxaan jirin inay ku aflagaadeeyaan maaha.” ayuu yidhi, waxaanu intaas raaciyay. “Xeerkan lifaaq ayaa lagu sameeyay goluhu wuxuu ansixiyay bishii 12/2011 madaxweynuhuna bishii 12 13-keedii 2011 ayuu ansixiyay qodobka 3aad faqradiisa lixaad waxay qoraysaa guddidu waxay xilka haynayaan muddo laba sanno ah oo ka bilaabanta maalinta ay maxkamadda sare xilka u dhaariso, madaxweynuhuna waa u cusboonaysiin karaa haddii loo baahdo, iyada oo muddo kordhintaasi cusub laga ansixin doono golaha wakiillada, wax ka bedelkii weeye goluhu kuu ansixiyay madaxweynuhuna ku ansixiyay, bal markaa halka ay ka keeneen saaxiibada igula jira golaha wakiillada, waxa idinku waajib ah in xeerarka aad akhridaan.”

Salaanmedia/Hargeysa
 

TOP