Xisaabaadka Dahab Shiil oo muddo toddobaad ah ka sii furnaan doono Bankiga Barclays

dahabshiil1

 

Maxkamada Sare ee dalka U.K, ayaa waxay maanta soo gaba gabeysay dhageysiga dacwadii, ay Shirkadda Xawaalada Dahab Shiil, ay ku soo oogtay Maamulka Bankiga Barclays.

Bankiga Barclays, ayaa wuxuu dhawaan shaaciyay in uu xidhaayo dhamaanba xisaabaadka, ay Xawaaladaha Soomaalida ku lahaayeen Bankigaasi, si lacagaha Bankigaasi la sii marsiiyo, aynaan ugu dhicin gacanta Xoogaga ka soo horjeeda Dowladda.

Qareenkii u doodaayay Shirkadda Dahab Shiil, oo lagu magacaabo Alan Maclean ayaa wuxuu go’aanka Maamulka Barclays uu ku tilmaamay, mid kahor imaanaaya qaanuunka tartanka ee Xawaaladaha.

Garsooraha Maxkamada, ayaa wuxuu ku dhawaaqay in la soo gaba gabeeyay dhageysiga dacwadii, ay Dahab Shiil ka soo gudbisay Barclays Bank, isla-markaana uu muddo toddobaad ah uu go’aan kaga soo saari doono.

Ilaa iyo inta uu ka soo baxaayo go’aanka Maxkamada, ayaa waxay Shirkadda Dahab Shiil Xaq u lee dahay, in uu sii furnaado Xisaabaadka ay ku lee dahay Bankigaasi. Isla-markaana aan la xidhi kareyn.

Maamulka Barclays, ayaa waxay horey u sii sheegeen inay xidhi doonaan xisaabaadka Dahab Shiil, Khamiista maanta ah. Laakiin waxaa taasi kahor joogsanaaya hadalka galabta ka soo yeeray Garsooraha Maxkamada.

War qoraal ah oo ay caawa soo saartay Xawaalada Dahab Shiil, ayaa waxay ku soo dhaweysay hadalka ka soo yeedhay Garsooraha Maxkamada. Isla-markaana ay ka dhursugayaan waxa uu go’aanka Maxkamadu noqon doono.

Salaanmedia/Hargaysa