XISBI AMA QABIIL HADDII AAD TACASUB KU RAACDO OGOW IN AAD SIDO CALANKII SHAYDAANKA By Fu’ad Farah

ASALAMUCALAYKUM WARAXMATULAAHI WABARAKAATUH. Salaan ka dib haddaan mawduucayga gudo galo. dhibaatada maanta caalamul islaam haysta waxay ka bilaabmeen laba dilaa ah oo meeshay soo galaan baabiyah ummado hore oo adduunkan ku noolaan jirayna baabiyey kana dhigey wax liita oo la yaso.

Labadaasi waxaa weeye tacasabka iyo casabiyada oo ah hubabka uu ku dagaalka galo shaydaanku kuwooda ugu khatarsan uun ugu jecel yahay naclatulaahi calh shaydaan

Waa maxay tacasaub?culimadeenu waxay ku macneeyeen 
1-u yeedhid dadka kala firdhin fog oo xad dhaaf ah .

2-xaqii oo kuu cad ood diido ood ka raacdo hawadaada , kooxdaada ,qabiilkaaga ,sheekhaaga ,dawladaada oo khaldan iwm

3-waa hiil aan xaq ku salaysnayn ood ugu hiiliso koox ama qabiilkaaga iwm

casabiyah waa khatar haddaad tiraahdo reerkaayaga anigu sax iyo khaldba waan ku raacayaa ogow in macalinkaagu iblays yahay calankiisiina aad sido

imisa nooc ayuu tacasabku u qaybsamaa?

Culimadeenu waxay u qaybiyeen

1-tacasabka madhabka diinta

2-tacasabka qabiilka

3-tacasabka xisbi 4-t. qawmiyaha5-t.shaqsi aad ku tacasabto,intaas aan soo sheegnay oo dhan tacasbyo badan baa ka dhex dhasha oo ummada baabiya soomaaliyana waxaa baabiyey intan aan kor soo sheegay oo dhan waa laynaga dhex helayaa haddaad mid ka badbaado ka kale ayaad ku dhacaysaa waana arin khatarteeda leh’

waxaanaad ku garan dhamaan in intaasiba calanka shaydaan u sidaan waxay haddalkooda ka wada bilaabi aniga ama anaga sidan baanu doonaynaa ,ma eegaan wax ilaahay ka dooni iyo rasuulkiisii s.a.w. ee uu amray waxay ka horaysiin hawadooda markaad xaqa u bidhaamisana ma qaataan waxay kala hor yimaadaan tacasub xad dhaaf ah iyo muran ma dhalays ah ooy ku waxyeelayn dadka wanaaga dadka u sheegi badankooduna hadalka runta ah ma jecla waana dad shaydaan duufsaday oo raacay wadooyinkuu ugu yeedhay

isku soo wada xoori haddaynu dooni inaan nolshan ku aflaxno iyo ta aakhiraba waa inaan ka fogaano tacasabka iyo casabiyada xun oon iska ilaalino inaan shaydaan dabin inoo dhigin mar walbana badsno la socodka dadka saalaxiinta ah ee fiic fiican wax wanaagsan kuu sheegi ood ka fogaato dadka ku sifoobay arrimaha aan kor ku soo sheegnay

waxaynu ku kala tagaynaa darajada ilaahay waxaa hela ninkii dooni

sidaaa iyo nabad gelyo

Fu’ad Farah
Ottawa, Canada