Xisbiga Ucid Oo Dacwad Ku Oogay Maayarka Berbera Iyo Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Degaanka Oo Dhawaan Ka Baxay Xisbiga Ucid.

UCID

Xisbiga Ucid oo dacwad ku oogay Maayarka Berbera Iyo xildhibaan ka tirsan golaha degaanka oo dhawaan ka baxay xisbiga Ucid.

Hargeisa-(SM)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali waraabe ayaa dacwad ku oogay Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo xildhibaan kale oo ka tirsan golaha degaanka Berber oo dhawaan Qasriga Madaxtooyadu xaflad soo dhaweyna ugu qabtay Maansoor Hotel Berbera,halkaas oo ay kaga dhawaaqeen inay ka guureen xisbiga Ucid una wareegeen xisbiga Kulmiye.

War-saxafadeed ku saabsan qadiyadaas oo ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha Ucid oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidatan:-

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

                                                

Ref:Sum:1941 UCID 29/09/2013

Warsaxaafadeed

Waxaanu Nuqul Ka mid ah U Gudbineynaa Warbaahinta Dalka Si Ay Shacbiga Reer Somaliland Ugu Gudbiyaan Shuruucda iyo Xeerarka Dalka Ee Ay Jabiyeen Moyarka iyo Xildhibaanka Doraad Xaflada Loo Qabtey Ee Sida Bdheedhka Ah Ugu Biirey Xisbiga Talada Haya Ee KULMIYE oo Ay Aheyd Madaama Oo Uu Taladii Dalka Hayo In uu Shuruucada Dalka Dhawro balse isagu Jabiyey

Dacwadan Ayaa Waxaa La Gudbiyey Shaley

Waxaaney U Qarneyd  Sidan:

Ku,   Guddiga Doorashooyinka Qaranka JSL

Ku,   Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL

Og,   Guddida diiwaan-gelinta Ururada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka

Og,   Guddoomiyha Gobolka Saaxil

Og    Maxakamadda Sare

 

UJEEDDO:-  Soo Gudbin Dacwadeed

Waxaanu masuuliyiinta sharafta leh ee waraaqdani sida tooska ah iyo sida  dadbanba ugu socoto, aannu halkan ugu soo gudbinaynaa anagoo ah masuuliyiintii ugu saraysay xisbiga sida waafaqsan xeerka  dacwada  ka dhanka  ah labada xildhibaan ee  kala ah.

1-      Cabdi/shakuur  Maxamed  Xasan (Duqa Magaalad Berbera)

2-      Cabdi/rashiid  Maxamed  X. Yuusuf (xubin golaha degaanka Berbera)

Xildhibaanadaas oo sida la wada ogyahay ku dhawaaqay oo cadeeyay inay xisbiga u cid ka baxeen kuna biireen xisbiga kulmiye  looguna  qabtey xaflad ay ka  qayb galeen masuuliyiinta ugu sareysa Xusbiga Kulmiye  iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda  Somaliland , xafladaas oo ay ku  caddeeyeen ku biiridooda rasmigaa ee xisbiga kulmiye oo ay kana  wareegeen xisbiga ucid.

Hadaba waxay  labadaa  xildhibaan  si cad oo  badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID,Qodobadiisa: 7aad , 8aad faqradiisa( 5)aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si badheedh ah u jebiyeen  Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada  Xeer  No.14/2011.

Qodobadiisa: 

Qod: 9 farqadiisa(4)  xarfaheed (b),(t)  iyo farqadiisa (5).

Qod: 10 xarfahiisa (b),(t),(j),(x).

Qod: 11 farqadiisa (4).

Sidaa awgeed sida ku cad sharciga waxay baneeyeen kuraastii ay ugu fadhiyeen xisbiga magaciisa ee ay ku ahaayeen xildhibaano qaran waxaan uu sharcigu ogolyahay in xisbigu soo buuxsan karo booskiisa banaanada ee golayaasha qaran isagoo raacaya xeerka Nidaamka urruada iyo Asxaabta siyaasada  oo sheegaya waxa soo galaya jagada banaanata tiro ahaan qofkii ugu soo xigay xisbiga gudihiisa.

NB. Waxanu xasuusinaynaa Cid kasta oo ay khusayso warqadani in codka lagu fadhiyo kuraasta golayaasha deegaanku aanay ahayn cod shakhsi kaligii keeni karo ee uu yahay codkii guud ee xisbigu lahaa dagmada ay xildhibaano uga soo baxeen isla markaana uu yahay kursigani mid ku abtirsada xisbiga ay xildhibaanadiisu ku fadhiyaan oo liiskiisa mu sharaxiintiisuna ay kala sugayaan banaanaantiisa oo loo buu xinayo sida uu xeerku sheegayo.

 

Waxa kale oo ay jebiyeen xeerka anshaxa xisbiyada  JSL ( code of Conduct )

Sidaa darted waxaanu si xushmadi ay ku jirto uga codsanaynaa masuuliyiinta ay sida tooska iyo sida dadbanba ugu socoto dacwaddani inaad  labada xildhibaan ee magacyadoodu kor ku xusanyihiin aad ka qaaddaan  tallaabo  waafaqsan sharciga  isla markaana aad noogu buuxisaan labadaa jago ee ay baneeyen , xilalkoodii  xubinimo  labada xildhibaan ee  ugu  soo xiga xaga codadka dagmada Barbara ee  xisbiga ucid, sida ugu dhakhsaha badan.

 

Allaa Mahad Leh

Guddoomiyaha Xisbiga UCID