Xisbiga UCID oo Gudbiyay Dacwada ka dhanka ah labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdirashiid Komishanka Doorashooyinka Sheegayna in ay Dhamaatay Muddo Xileedkii Gudida DiiwaanGelintu…

Hargeysa/SM… Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka UCID oo Gudbiyay  Dacwada ka dhanka ah  labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur  iyo Xildhibaan Cabdirashiid Komishanka Doorashooyinka Sheegayna in ay Dhamaatay Muddo Xileedkii Gudida DiiwaanGelintu...

Sidaana waxa lagu Sheegay Warsaxaafadeed Goor dhawayd Soo gaadhay ToggaHerer kuna Saxeexan Yahay Gudoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Muj Cali Gurey.

War-Saxaafadeedka ayaa u Dhignaa Sidan:-

ucid

JAMHUURIYADDA SOMALILAND                                                                                REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka                                                                                                           UCID                                                                                                                                                                                Justice and Welfare Party    

Ref/UCID/196/2013                                                                                        Date:12/10/2013

Ku: komishanka Doorahooyinka Qaranka JSL                                                                      Hargeysa

 Og: Guddida Diiwaangelinta Ururada & Axsaabta Qaranka                                             Hargeysa

OG: Xisbiga WADANI                                                                                                                  Hargeysa

OG: Xisbiga KULMIYE                                                                                                                  Hargeysa

OG: Qaadhaan Bixiyayaasha Doorashooyinka Qaranka JSL                                               Hargeysa

Og: Gudoomiyaha Gobolka Saaxil                                                                                            Berbera

Og: Wasiirka Arimaha Gudaha JSL                                                                                            Hargeysa

Og: Gudoomiyaha Golaha Wakiilada JSL                                                                                 Hargeysa

Og: Madaxweynaha JSL                                                                                                               Hargeysa

 

UJEEDO: Soo Gudbin Dacwadeed

Anagoo tixraacayna warqadii sumadeedu ahayd Ref:194/UCID/2013 kuna taariikhaysnayd 02/10/2013, tooska aanu u siinay anagoo raacayna sida u jideeyay Xeer No14/2011, taas oo aanu Dacwadii u horaysay u gudbinay Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Qaranka kuwaas oo muddo xillood koodii ku ekaa 04/10/2013 maalintaas oo ay ahayd maalintii Maxkamada sare ay dhaarisay ka dib markay Golaha Wakiiladu ansixiyeen 01/10/2011 Maxkamada sare na ay dhaarisay 04/10/2011 Maalintaas oo sida uu dhigayo Qod 6aad ee Xeer No14/2011 Guddidu ay Xilka haynayaan Muddo 2ba sano ah oo ka bilaabmaya maalintay maxkamaddu dhaarisay ee kor ku xusan, sida ku cad Qod 10aad ee XeerNO14/2011 todobaad ka dib marka Golaha Wakiiladu ansixiyo ayaa Maxkamada Sare horteeda lagu dhaarinayaa.

Sidaa darteed Guddida Diiwaan gelinta URUDA IYO Axsaabta Qaranku Waxa  Xilku  kaga e kaa 04/10/2013, Dacwadayadu waxay sharci ahaan khusaynaysay 2badii ilaa bisha 4teedii wixii ka danbeeyay 8 maalmood oo Xilku ka dhamaaday ayay muddo dhaaf si ula kac ah iyagoo og in waqtigii ka dhamaaday ayay Dacwadayadii dib uga dhigeen muddo xillood koodii dhamaaday.

Sidaa daraadeed sida ku cad Qod 8aad ee XeerNo14/2011 shaqadii Dacwadayadu waxay saaka ku wareegaysaa Komishanka Doorashooyinka Qaranka maadaama oo ay Guddida Diiwaangelinta ururda iyo axsaabta Qaranka uu Muddo xilloodkoodii dhamaaday, wax muddo kordhin ahna ilaa maanta oo ay taariikdu tahay 12/10/2013 aanay soo gaadhin Golaha Wakiilada JSL, isagoo Madaxweynuhu xaq u lahaa intaan muddadu ka dhamaan ama gabaabsiga tahay inuu u soo gudbiyo Golaha Wakiilada Hadduu doono in uu muddo kordhin u sameeyo laakiin ay caddahay in aan ciddina u kordhion Karin maanta maadaama muddo xilloodkoodii dhamaaday Madaxweynaha oo aan muddo kordhin soo qorin intii muddadooda wax ka noolaayeen .

Sidaa awgeed Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID isaga oo daliishanaya dhamaan qodobada kor ku xusan raacayana mar ba cidda uu u jidaynayo XeerNo14/2011 ee Awoodda u leh in uu Dacwadiisa ku hagaajiyo.

waxa aanu maanta oo ay taariikhdu tahay 12/10/2013 ugu soo gudbinaynaa Dacwada ka dhanka ah  labada Xildhibaan ee Kala ahaa Mayorka Magaalada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan iyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed X. Yuusuf.

Labada xildhibaan waxa ay si badheedh ah u jebiyeen xeer-hoosaadka xisbiga UCID,  Qodobkiisa 7 aad firqadihiisa  1aad,2aad iyo 4aad.

Waxa kale oo ay labada xildhibaan si cad u jabiyeen Xeer 14 ( xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadda oo loo soo gaabiyo xeer/LR/14/2011 ).

xeerka anshaxa xisbiyada  JSL ( code of Conduct ).

ku waas oo sida la wada ogsoon yahay loo qabtay xaflad si heersare ah loo agaasimay oo ay ka qayb galeen madaxda sare ee Xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin Xubno Golaha Wasiiradda ka tirsan sida Wasiirka Madaxtooyada iyo Gaashaandhiga iyo Madaxda sar sare ee Hogaanka Xisbiga KULMIYE laguna qabtay Hotel Maansoor ee Magaalada Berbera taas oo u jeedada loo qabtay ku magacawnayd Labada Xildhibaan ee Kor Ku xusan oo Ka baxay Xisbiga UCID una wareegay Xisbiga KULMIYE, iyagoo ku xardhan istiikariska iyo astaamaha Xisbiga KULMIYE.

 

 

 

 

Sidaa awgeed waxaanu Komishanka Qaranka ee Xeerku ujidaynayo awoodana u siinayo sida ku xusan Qodabada aanu kor ku soo sheegnay  ee khuseeya muddo Xilleedka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo axsaabta Qaranka Marka muddadoodu dhamaato oo ah Komishanka Doorashooyinka Qaranka inay Xildhibaanadan ka gutaan Waajibaadkooda si waafaqsan sharciga iyo xeerarka khuseeya ee aanu kor ku soo sheegnay, anagoo arintaa u hayna Cajalado kayd ah iyo Ducemntiyo ku marag ah eedaymahooda keenina doona Xafiiska Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Wabillaahi Tawfiiq    

 

                                                                                                                                 Gudoomiye Ku Xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID                                                                                   MD, Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey)_____