XISBIGA UCID OO MAANTA SHEEGAY IN MADAARKA CAASIMADA AY KU BAXDEY DIB U HABEYNTIISA 1.8 MILLION OO KALIYA

 

XISBIGA UCID OO MAANTA SHEEGAY IN MADAARKA CAASIMADA AY KU BAXDEY DIB U HABEYNTIISA  1.8 MILLION OO KALIYA

 

xubno ka tirsan golaha fulinta iyo golaha dhexe ee xisbiga Ucid ayaa maanta si adag u naqdiyey dib u dhiska lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa.

Xubnahan oo maanta shir jaraa,id ku qabtay xarunta xisbiga Ucid ee magaalada Hargeysa ayaa waxay sheegeen in lacagtii loogu tala galay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeya la musuq maasuqay iyaga oo farina gaadhsiiyey madaxweynaha Somaliland.

Ugu horayn xoghaya warfaafinta xisbiga Ucid Yuusuf Kayse oo ka hadlayshirkan jaraa,id ayaa ka war bixiyey kormeer ay ku soo mareen garoonka caasimada Hargeysa waxaanu tilmaamay in lacagtii ay dawlada Kuwait ugu tala gashay dib u dhiska madaarka aan la wada galin waxaanu yidhi “waxaanu doonaynaa inaanu maanta mar kale ka hadalno musuq maasuqa ka dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, taas oo daba socotay hadal uu wasiirka duulistu ka qabtay xarunta hay’adda shaqaalaha dawlada,munaasibadaas oo si qarsoodiya loogu qabtay iyada oo dadka la balamiyey maalintii arbacadii.”

 

Xubno katirsan Ucid

Xoghayaha warfaafinta oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “waxaanu tagnay garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa oo ka mid ah xisbiga Ucid iyo xubno Engineero ah oo aqoon u leh hawlaha madaarka laga qabtay, waxaanu soo xaqiijinay oo aanu shacbiga Somaliland u sheegaynaa in waxa uu wasirku sheegayo iyo wax u dhaw toona aan laga qaban garoonka, wasiirkuna habeen walba diyaarad ayuu hoos ordayaa isaga oo doonaya inuu dadka tuso indho sarcaad, kooxdaas aanu madaarka ku tagtay waxay sheegeen in madaarka lagu dhisay $1.6, haddii la dheereeyana $ 1.8 taas oo u dhiganta $1800,000 halka uu wasiirku ka sheegay in shan milyan lagu dhisay madaarka.”

Xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo fariin u diraya shacabka Somaliland ayaa waxa uu yidhi “waxaanu shacabka Somaliland u sheegaynaa in madaarka Hargeysa ay ka jirto sadex qabyo oo waaweyn waxaana ka mid ah in maanta haddii aad booqataan madaarka in diyaaradaha waaweyn culayskoodu ay calamaada diyaaradu ku sawiran tahay halka ay ka kala jeedsatay iyo daacis ku timid garoonka, waxa kale oo ka mid ah in Run-way-gii ooh ore looga cabanayey uu hadana ka jiro qabyo iyada oo wasiirka ku sheegay 2.4km uu wasiirku sheegay balse hada la sheegay inuu yahay 2.2, waxa kale oo ka mid ah in baarkinka diyaaradaha uu yahay mid aad u yar oo haddii ay diyaarad weyni fadhiisato aanay mid kale garab fadhiisan karin, shacabkana waxaanu leenahay garoonka waxa ka jira musuq maasuq badan,”

Ugu danbayntiina xoghayaha warfaafinta xisbiga Ucid oo la hadlaya wasiirka duulista iyo hawada Somaliland ayaa waxa uu yidhi ““wasiirkana waxaanu leenahay koontaraaga dhismaha garoonka waxa la siiyey shirkad, waa maxay sababta aa shirkada ugu doodaysaa ileen waxa lala xisaabtamayaa shirkadii , haddii aanad lacagta la cunin maxaad ugu doodaysaa, kolba nin cadaana oo miskiina oo baqanaya ayaad garab ordaysaa oo aad leedahay sheega wax aanad ka qaban garoonka.”

Sidoo kale waxa shirkan jaraa,id ka hadlay xubno ka mid ah golaha fulinta ee xisbiga Ucid kuwaas oo ka warbixiyey dib u dhiska lagu sameeyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa kuwaas oo madaxweynaha ugu baaqay inuu daba gal  ku sameeyo musuq maasuq ay sheeegeen inuu wadanka ka taagan yahay oo ay sameeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadiisa.

Salaanmedia/media

 

Ucid Media