XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO TAAGEERAY BAAQII XISBIGU KA SOO SAARAY MIISAANIYAD SANADEEDKA 2014

Waddani

XISBIGA WADDANI LAANTIISA UK OO TAAGEERAY BAAQII XISBIGU KA SOO SAARAY MIISAANIYAD SANADEEDKA 2014Waxaa xaqiiqi ah in Odoroska  Miisaaniyad sanadeedka 2014 ee Xukuumada Kulmiye u soo gudbisay Golayaashu uusan ahayn mid si cilmiyaysan loo soo dersay, kana turjumaya baahiyaha dhabta ah ee Waddanka ka jira, balse uu salka ku hayo isku-dhexyaacsanaan balaadhan oo goloyaasha lagu jaahwareerinayo iyo Dano shakhsiyaad ama meelo khaas ah lagu naas-nuujinayo.

Sida ka muuqata Qaylo-dhaanta Xisbiga Waddani ka soo saaray arintan, waa xil na saaran inaanu Shacabka, Golayaasha iyo Xukuumadaba uga digno una iftiimino khaladaadka uu xambaarsan yahay Odoroska Miisaaniyadu, taasoo ujeedada Xisbiga Waddani tahay in Shacabku Ogaado qaabka Xukuumadii ay u doorteen inay Cadaalad ugu shaqaysaahi u maamushay dhaqaalihii ay ka qaaday, taasoo ah waxay xaq u leeyihiin inay ogaadaan. Goloyaashana waxaanu u iftiiminaynaa halka khaladku ka jiro iyo qaabka khaladku yahay, ka dibna waa xil saaran in goloyaashu daacad ugu shaqeeyaan dadkii ay metelayeen oo ay ka hor-istaagaan in Xukuumadu si khalad ah u maamusho dhaqaalaha Waddanka.  Xukuumadana waxaanu tusinaynaa Khaladaadka ku jira Miisaaniyadeeda ha noqoto khalad ay ogaansho u gashay amaba khalad aqoondaro uga dhacay’e.

Hadaanu nahay Laanta UK ee Xisbiga Waddani waxaanu taageeraynaa Qaylo-dhaantan iyo Sixidan uu Xisbiga Waddani ku soo saaray warmurtiyeedkiisa, kaasoo ka turjumaysa Aqoonta Cilmiyaysan ee Xisbiga Waddani u leeyahay Maamulka Dhaqaalaha Waddanka iyadoo lagu salaynayo Daacadnimada Xaqiiqaha jira iyo Baahiyaha Rasmiga ah ee Waddanka ka jiraba iyo weliba sida Xisbigu hadh iyo habeenba ugu heelan yahay Illalinta Hantida Shacabka.

Fadlan dhegaysta Warmurtiyeedkii Xisbiga Waddani ka soo saaray arintan kaasoon hubo inuu shacab badan oo Xukuumada kulmiye taageero u hayeyi kalsoonidooda u weecin doonaan Xisbi Daacadka Waddani.

Afhayeenka Xisbiga Waddani UK
Mudane Qasim A Saleebaan

London